Boosaaso: (pp)- Waxaa magaalada Boosaaso looga dhawaaqay Hayad khyeri ah oo ujeedadeedu noqon doonto faafinta Diinta Islaamka Iyo ka shaqeynta Arrimaha Bulshada, Hayadan oo magaceedu yahay Al-Raxma ayaa Bossaso looga
dhawaaqey.
Xaflad aad u qurxoon ayaa lagu qabtey Hotel Juba, waxana kasoo qeyb-galey qeybaha kala gadisan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Bossaso. Marti-sharaftii ka qeyb-gashay oo isku raacey in loo baahnaa Hayadan Iyo adeega ey qaban doonto, waxana ey tilmaameen in dadka Reer Bosaaso Iyo Guud ahaan reer Puntland ey u baahan yihiin Jameeco Iyo dad u kaca khyer Iyo faafinta Diinta Eebe Iyo Sunnada Nagiga csw.
Waxaa halkaas ka hadley, Dr Maxamed Cali Faarax, oo Madax ka ah Jaamacada Bossaso University, Dr Maxamed , ayaa xusey in Bossaso u baahan tahay Jamciyado u quma arrimaha Diinta Iyo bulshada maadama bulshada reer Bossaso ey aad u kordheen, waxaa isna goobta ka hadley Nabadoon, Xarago, isagoo xusey in maanta ey tahay maalin-weyn, maadama la helay Hayadii dadku wada sugayeen Iyo dadkii looga bartey khyerka oo Iyagu hormuud ka ah Mashruucan, Sidoo kale waxaa sharaxaad dheer ka baxshey Ujeedada loo aas-aasey Hayada Al-Raxma , Sheekh Cabdinaasir Cabdilaahi Cali, isagoo power-point ku soo bandhigey waxqbadka Hayadu dooneyso iney qabato.
Waxaa Iyana ka hadley goobta Nabadoono caan ka ah Puntland sida, Nabadoon Xussien Xaaji Samatar, oo ku hadlayay magaca Nabadoonada, ayaa iftiinshey sida ey muhim u tahay baahida jirta Iyo Hayadan waxa ey Bulshada ka sugayaan, Nabadoon Xarago ayaa sidoo kale amaaney hogaanka Hayada Al-Raxma, Nabadoonka ayaa taageero weyn u muujiyay Hayadan cusub.
Sakariye Isticmaar, ayaa goobta ka hadley, isagoo ka warbaxshey sida Bulshada Reer Puntland u heysan Jamciyado Iyo Hayado u adeega arrimaha Bulshada, waxana uu sakariye sheegey in haatan la-gaarey xiligii la iska kaashan lahaa wax u qabashada bulshada kuwooda u baahan adeegyada kala duwan. Waxaa Iyana goobta ka hadley marti sharaf badan Ganacsato, Iyagoo taageero buuxda u fidiyay Hayada Al-Raxma.
Ugu danbeyn Sheekh Cabdirisaaq Xussien Ciise, oo isagu Guddomiye ka ah Hayadan cusub, Sheekha ayaa balan-qaadey in Hayadan ey waxbadan ka tari doonto arrimaha Dacwada Iyo Bulshada, Sheekha ayaa yiri, Albaabkeenu cid walba ayuu u furan yahay, Sheekha ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray Hayada Al-Raxma ummada Iyo Shacabka ey lee dahay waa idinka ee Taageero ayaan idin kaga baahan nahay.
Puntlandpost.com