BOSASO-(Puntland Post) Howlgal ay ciidanka badda Puntland (MPMF) ka fuliyeen inta u dhaxaysa Magaalooyinka Boasso iyo Qandale ayay kusoo qabteen shan doono oo si sharci daro ah uga kalluumaysanayay xeebaha badda cas ee Soomaaliya, wuxuna howlgalkan kusoo aadayaa xilli ay sii xoogaysanayso cabashada Kalluumaysatada ee la xiriirta Jiriifka.
Taliyaha Ciidanka badda Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo saxaafada kula hadlay magalada Bosaso ayaa sheegay ciidanka oo howlgalkan sameeyay inay sidoo kale kusoo qabtaan tiro dad u dhaxaysa afartan ilaa kontan isagu jira Soomaali iyo Yaman wuxuu masuulkani sheegay inay ku xad-gudbeen sharciga Puntland ee kalluumaysiga wuxuuna saxaafada u sheegay in kooxdan lasoo qabtay tillaabo sharci ah laga qaadi doonno.
Ciidanka badda Puntland ayaa inta badan u howlgala sidii badda looga ilaalin lahaa burcad badeeda iyo wixii hoos yimaada, hase yeeshee dadka Kalluumaysatada ah ayaa ku dhaliila inaysan wax jawaab ah ka bixin cabashadooda la xiriirta weerarka Jariif la yaashu kusoo qaadaan xeebaha.
Shalay ayay hayad markii mamulka iyo shacabka tuulada Maraya oo Degmada Eyl kaga beegan dhanka Bari soo jeediyeen inay welwel ka qabaan weerar ay kusoo qaadeen Kalluumaysatado sharci daro ah, taasoo aan ilaa iyo hada waxba laga qaban.
Madaxwayne Gaas oo saxaafada sanadkii hore kula hadlay magalada Bosaso ayaa sheegay in masiibo qaran tahay kalluumaysiga sharci darada ah hase yeeshee ilaa iyo hada ma muuqata tilaabooyin muuqda oo kooxahan laga qaaday.
PUNTLAND POST
The post Taliyaha ciidanka badda Puntland oo Bosaso kusoo bandhigay doonyo kalluumaysi sharci daro ah waday appeared first on Puntland Post.