Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan xanafi oo maanta la maxkamadeynayo

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Xasan Xanafi xaaji Cabdi salaan oo loo haysto dilalka iyo shirqoollada wariyeyaal badan ayaa maanta lagu wadaa inuu kasoo muuqdo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Muqdisho.

Hoolka maxkamadda ayaa la sheegayaa iney kusii qul-qulayaan suxufiyiin iyo qaar ka mida ehelada dadkii madaxiisa ku dhintay,iyadoo ay sidoo kale goobta ku sugan yihiin, xeer ilaaliyeyaasha ku oogaya dambiga loo heysto, marqaatiyaal,difaayacayaasha eedeysanaha.

Xasan Xanafi oo horay ugu soo shaqayn jiray saxaafadda madaxa bannaan ayaa isu rogay horjooge ka mid ah Al-shabaab,kaasoo isaga iyo wariyeyaal kale ay u qorsheysnaayeen dilalka iyo shirqoollada loo ka dhanka ah bahda wararka fidisa.

Eedeysanahan oo muddo ku jiray gacanta dowladda lagana qabtay barnaamijyo ku saabsan wixii ay ahayd hawshiisa intii uu ku jiray Al-shabaab ayaa maanta laga gaari doonaa go’aan kama dambays ah marka la maxkamadeeyo ka dib,taasoo dareen gaara u leh suxufiyiinta Soomaaliyeed ee u dhibban iyo eheladoodaba.

The post Xasan xanafi oo maanta la maxkamadeynayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>