Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAALKACAYO: R/Wasaare Saacid oo kormeeray goobo ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacayo(Sawiro)

$
0
0

Gaalkacayo: (pp)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saaka kormeeray qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, wuxuuna xariga ka jaray garoon K/cagta oo loogu magac daray Cabdullaahi Ciise. asaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo Garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconeyso.

qayb1

Ra’iisal Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay garoonka oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo u badan arday iyo ciyaartoy, waxaana uu ugu hambalyeeyey maamulka Galmudug sida ay u horumarinayaan degaanka. wuuna dhanka kale ku ammaanay inay maanka ku hayaan dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalka iyo dadka taariikhda ku lahaa.

qayb2

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan xariga ka jaro garoon aad ugu magac darteen nin halyey qaali ah, ummadda Soomaaliyeedna ay qadarin u hayaan, waana idiinkaga mahadcelineynaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dhismaha garoonkani uu qeyb ka qaadan doono is dhexgalka bulshada iyo nabadda.

qayb4

Ra’iisal Wasaaraha ayaa balan qaaday codsi uu soo jeediyay Wasiirka Isboortiga Galmudug Saadaq Daahir, kaasoo ku aadanaa kharashaad ka dhiman dhameystirka garoonka, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu goobta caddeeyey in Dowladda Federaalku bixineyso kharashka dhameystirka dhismaha garoonka.

qayb3

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo ay kormeereen dhismaha Xabsi weyn oo laga dhisayo meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray dhismaha garoon diyaaradeed kaasoo laga hirgelinayo duleedka magaalada, waxaana ka soconeysay xilliga uu booqanayay R.wasaaruhu dhismo ay wadeen cagaf cagafyo, waxaana howlwadeen ka ah Xil. Cismaan Xasan Cali (Caato), oo isagu si iskaa wax u qabso ah ugu deeqay qalabka.

qayb5

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay shacabka reer Gaalkacyo inay ku dadaalaan nabadda iyo horumarka, wuxuuna kula kaftamay “Reer Gaalkacyo dagaalka kaalinta aad ka qaadataan waa inaad nabadda ka qaadataan, waxaana tusaale u ah inaad nabadda dhankeeda u weecateen horumarka iyo dhismayaasha aad ka sameyneysaan magaalada” ayuu yiri isaga oo ka dalbaday in wixii maanta ka dambeeya aysan dhicin in magaalada Gaalkacyo labo u qeybsanto, isla markaana shacabka labada maamul ay si xor ah oo nabad ah u maraan.

qayb6

puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>