Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kulankii R/Wasaare Saacid & Maamulka Galmudug oo is faham daro ku dhamaaday & Waftigii Dawlada oo dib ugu laabtay Muqdisho.

$
0
0

Gaalkacayo: (pp)- Kulan ilaa xalay u socdey Maamulka Galmudug iyo waftigii R/wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo maalmahanba socdaal ku maraayey gobalada Dalka ayaa ku dhamaaday Ismari waa Kadib markii uu R/Wasaare Saacid soo hor dhigay Madaxda Maamulka Galmudug in loo baahan yahay in Maamul kaliya loo sameeyey Magaalada Gaalkacayo ayna Galmudug buuxin weyday Sharuudii looga baahnaa Dawladaha xubnaha ka noqonaaya Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

qayb3

Waxaa lagu wadey in maanta uu waftiga Raysal Wasaaruhu kusii sugnaado Magaalada Gaalkacayo uuna heshiis la saxiixdo Maamulka Galmudug hase ahaate kadib markii la isku mari waayey qadobadii labada dhinac ayaa waxa u waftigii Raysal Wasaaruhu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho iyadoo Maamulka Galmudug si cad loogu sheegay inaysan macaquul ahayn in loo aqoonsado Dawlada xubin ka ah Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya maadama aysan xitaa dhamayn Hal Gobal oo kaliya halka Dawladaha xubnaha ka noqonaaya Dawlada Federalka looga baahan yahay inay noqdaan Labo Gobal iyo Wixii ka badan.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu waftiga raysal Wasaaruhu u sheegay in loo bahan yahay inay la midoobaan Waqooyiga Gaalkacayo ama dhanka Puntland si ay u noqdaan qayb kamid ah Dawlada Puntland, ayna Magaalada Gaalkacayo u yeelato Hal Maamul oo kaliya hase ahaate Masuuliyiinta Maamulkaas ayaa gabi ahaanba ka biyo diidey soo jeedinta Waftiga Dawlada Federalka ah.

Maamulka Galmudug ayaa ka jira Koonfurta Gaalkacayo waxaana heshiiskii Garoowe 2 ku qornayd in Maamulka Galmudug uu dhamays tiro Sharuudaha Dawlada Gobaleedka ka hor inta aan la ansixin Dastuurka Dawlada Federalka ah hase ahaate waxaa muuqata in Maamulkaas uu ku guul daraystay buuxinta Sharuudii Dawlad Gobaleedka waxayna arintan kusoo aadaysa xili lagu hawlan yahay in Dalka Soomaaliya laga Hirgeliyo Dawladihii xubnaha ka noqon lahaa Dawlada Federalka ah oo iminka ay ka jirto oo kaliya Puntland iyo Soomaliland oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>