Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Xanafi oo dil lagu xukumay

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Maxkamadda ciiddanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji Cabdi salaan oo lagu eedeeyay inuu kasoo qayb qaatay dilal iyo shirqoollo lagu waxyeelleeyay suxufiyiin Soomaaliyeed.

Xasan Xanafi Xaaji oo horay ula soo shaqeeyay warbaahinta maxalliga qaarkeed ayaa waxay ciiddanka Kenya ka soo qabteen magaalladda Naiorobi  bishii August  5-dii ee sannadkii 2014-kii,markaas oo uu inkiray inuu isaga yahay.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa bilooyin dhowr ah ka dib kusoo wareejiyay gacanta hay’adda nabad-sugidda iyo sir-doonka qaranka Soomaaliyeed oo ka qayb qaadatay daba galka iyo xuuraansiga halka uu ku sugan yahay Xasan xanafi.

Xasan Xanafi ayaa iska fogeeyay qaar ka mida dambiyadii loo haystay oo ahayd laynta wariyeyaasha Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in la qisaaso dhawaan.

The post Xasan Xanafi oo dil lagu xukumay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>