Bosaaso-(Puntland Post)- Shirkadda ganacsiga guud ee Towfii General Trading Company ayaa barnamaij tijaabi nasiibkaada ah u qabatay macaamiisheeda ku xiran, kaasi oo ay shirkaddu ugu magac dartay ToWfiiq iyo kulanka macaamiisha.
Kulanka ayaa ka dhacay hotel Jubba ee magaalada Bosaso-Puntland-Somalia, waxaana ka soo qeyb galay maamulka shirkadda, ganacsato, mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga, wasaarada ganacsiga Puntland, aqoonyahano, siyaasiyiin, culimo’udiin, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay xafladda madaxa suuq gaynta shirkadda Towfiiq Maxamed Macallin waxa uuna sheegay in kulankan uu gaar u yahay macamiisha sharafta leh ee Towfiiq isla markaana miiska ay yeelaan hadiyo badan oo isugu jira gaari nooca raaxada ah, mobeelo kuwa caqliga leh (Smart Phones) iyo kumbiyatarada gacanta lagu qaato.
Dr. Cabdi Samad oo ka socday shirkada Salalah Makaroni ee dalka Cuman oo isan ka hadlay munaasabadda ayaa shegay shirkadda uu ka socdo in la dhisay sanadkii 2008, isla markana ay tahay shirkadda ugu weyn wadamada Carabta waxaa uu shegay in xiriir wadada shaqeyn ay leyihiin Shirkada Towfii.
Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Ahna kusimaha Gudomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamed xirisi Waaberi ayaa shirkada towfiiq ku amaanay sida ay markasta ugu taagan tahay dhiri gelin bulshada waxaana uu ganacsatada ugu baqay in ganacsigooda ay ka ilashtaan ribada.
Inka badan 20 qof oo ka mid ah macaamisha shirkadda oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxa ya ku guuleysteen mobeelo, gaari nooca raaxada ah iyo kumbuyiitarada gacanta lagu qaato.
Barnaamijkan ayaa ah mid shirkaddu ay ku qaban doonto dhammana gobolada Puntlandoo.
Si kastaba ha ahaatee shirkadda Towfiiq ayaa waxa ay ka qeyb qaadataa hormarinta dalka, bulshada iy arrimaha bini’aadantinimada.
SAWIRO:
The post SHIRKADDA GANACSIGA TOWFIIQ OO MACAAMIISHEEDA KU DHIRI GALISAY ABALMARINO GAARI IYO AGAB KALE appeared first on Puntland Post.