Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Wasaaradda howlaha guud ee dowladda Puntland oo maanta tababar usoo xirtay qaar kamid ah Engineerada degmooyinka Puntland.

$
0
0

Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ayaa maanta tababar usoo xirtay qaar kamid ah Engineerada degmooyinka Puntland iyo Engineerada howlaha guud, kuwaas oo lagu tababarayay buuga dhismayaasha wadooyinka iyo qandaraas bixinta.

Tababarkaan ayaa qeyb ka ah tababaro xiriir ah oo uu maalgeliyay mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG, kaasoo xooga lagu saaro horumarinta wadooyinka Puntland.

Eng, Maxamuud Geesoweyne oo katirsan hay’adda Ilo oo tababarkaan taageeraysay ayaa sheegay in Engineeradaan lagu tababarayay qaabka wax loo dhiso, haday ahaan lahayd wadooyin iyo buundooyin. Waxaa kale oo uu sheegay in la barayay buuga qandaraas bixinta wadooyinka, oo ay dhawaan wasaaradda howlaha guud soo saartay.

Eng, Geesoweyne wuxuu tilmaamay muhiimada laga leeyahay tababarkaan inuu yahay in Engineerada tababarka la siiyay ay iyaguna tababarkooda sii gudbiyaan, si mustaqbalka dhow loo gaaro in degmo kasta oo Puntland kamid ah iskeed isku taagi karto.

Waxaa tababarkaan soo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Cabdiqaadir Sheikh Maxamuud Sheybe, kaasoo Engineerada kula dardaarmay inay deegaanadooda kula laabtaan aqoonta la siiyay.

Sawirro.

_DSC1862 _DSC1864 _DSC1865 _DSC1867 _DSC1868 _DSC1870 _DSC1871 _DSC1872 _DSC1874 _DSC1877 _DSC1879 _DSC1880 _DSC1883 _DSC1886 _DSC1887 _DSC1889 _DSC1890 _DSC1892

Puntlandpost.com

 

The post Wasaaradda howlaha guud ee dowladda Puntland oo maanta tababar usoo xirtay qaar kamid ah Engineerada degmooyinka Puntland. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>