Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo oo Garoowe ka daahfuray Xafiiska hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda Puntland

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha  Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 5-march 2016 waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda  Puntland.

Munaasibadda furitaanka xarunta hay’adda Macdanta iyo shidaalka Dawladda Puntland  ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland, Gudoomiyaha Haweenka Puntland, Xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo saraakiil ciidan.

Cabdicasiis Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) agaasime ku xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay markii ugu horraysey ay hay’adda macdanta iyo shidaalku xafiis ka furato caasimadda Puntland ee Garoowe, isagoona tilmaamay in xafiisku uu dadweynaha Puntland u fududayn doono inay keenaan waxyaalaha macdanta ah ee ay guryahooda ku haystaan, isla markaana ay ugu iib gayn doonaan dunida inteeda kale maadaama ay hay’addu xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka adduunka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha macdanta.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in hay’addani ay wax badan ka beddeli doonto shaqada macdanta iyo shidaalka Puntland, maadaama xafiis rasmi ah ay ka furatay caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baaqay dadweynaha Puntland inay lasoo xiriiraan xafiiska hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland si horumar wada jir ah looga gaaro arrimaha macdanta iyo shidaalka.

–DHAMAAD–

XAXFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

DSC01438 DSC01441 DSC01443 DSC01449 DSC01451 DSC01453 DSC01462 DSC01461 DSC01460 DSC01464 DSC01466 DSC01471 DSC01473 DSC01474 DSC01488 DSC01493 DSC01504 DSC01524 DSC01525 DSC01527 DSC01528 DSC01529 DSC01530 DSC01531 DSC01532 DSC01533 DSC01534 DSC01535 DSC01537 DSC01539 DSC01540 DSC01538 DSC01541 DSC01543 DSC01546 DSC01548 DSC01551 DSC01553 DSC01554 DSC01555 DSC01556 DSC01557 DSC01558 DSC01559 DSC01561 DSC01563 DSC01560 DSC01565 DSC01567 DSC01569

The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo oo Garoowe ka daahfuray Xafiiska hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>