Garowe-(Puntland Post)-Ciidamada badda Puntland ayaa doonyo Kalluumaysi kasoo qabtay deegaanka xeeb iyo Kabaal oo hoostagta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Taliye ku xigeenka ciidamada Badda Puntland Kornel Maxamuud Ciise Siciid oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay ciidamada badda deegaanka xeeb iyo Kabaal kasoo qabteen doonyo Kalluumaysi,islamarkaana hada lagu hayo degmada Eyl.
Doonyaha ciidamada baddu soo qabteen ayaa labo laga leeyahay dalka Yemen,waxaana mida kale laga leeyahay dalka Iiraan,109 qof oo sagaal ka mid ah Soomaali yihiin ayaa doonyahaan saaran.
Masuulkan ayaa sheegay in doonyaha ay ku samayn doonan baaritaan,islamarkaana doontii sharci daro ku Kalluumaysanaysay ay sharci horgayn doonaan.
Ciidamada Badda ayaa habeen hore howlgal ay ka sameeyeen xeebta deegaanka xaab iyo kabaal kusoo qabtay doonyahan,waxayna arintan kusoo aaday xili deegaanada Marayo iyo deegaano kale oo Eyl hoostaga ka cabanayaan Jariifka maraakiibta shi sheeye.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST
The post Doonyo si sharci daro ah uga Kalluumaysanayay xeebta Eyl oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.