Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirkii billaha ahaa ee Guddiga Fulinta mushruuca tayaynta iyo shaqalaysiinta qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda oo qabsoomay.

$
0
0

Maanta oo taarikhdu tahay 5ta bisha maarso 2016-ka waxa qabsoomay  shirkii billaha ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda  Puntland kuwaas ka faa’iidaysanaya mashruuca uu Bangigu addunku maal-galinayo Dowladda Puntland-na ay fulinayso.

Waa markii sadexaad ee uu qabsoomo shirkaani waxaana looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wixii qabsoomay bilihi lasoo dhaafay, qorsheyaasha bilaha soo socda, halka uu marayo dedaalka loogu jiro shaqo qorista shaqaalaha qaybo kamid  ah hay’adaha dowladda, wixii ka soo baxay shirkii guddiga sare ee mashruuca oo qabsoomay bishii hore Madexwaynaha Dowladda Puntland-na uu shir guddoomiyey, kulamadii Nairobi ee madaxda Baangiga Aduunka iyo guddiga hirgelinta iyo fulinta mashruuca.

Intii shirka lagu gudajiray waxa lays weydaarsadey macluumaad badan oo ku saabsan mashruuca iyo sidii loo sii dar-dar gelin lahaa mashruuca maadaama uu qiime weyn ugu fadhiyo shacabka iyo dawladda Puntland.

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland  ayaa soo bandhigtay jadwalka sida ay u kala horraynayaan nidaamka shaqo qorista ee ay hay’addu ku hawlantahay oo ah sidan:

  1. Madaxqaybeedka Shaqalaha (Human resource unit heads)
  2. Madaxqaybeedka iibka (Procurement unit heads)
  3. Madaxqaybeedka Maamulka iyo lacagaha (Admin and Finance unit heads)
  4. Madaxqaybeedka dabagalka iyo qiimaynta (Monitoring and Evaluationunit heads)
  5. Madaxqaybeedyada qorshaynta, farsamada iyo tiknoolojiyada (ICT and Planning/ Researchunit heads)

Ugu danbayntii, shirka ayaa ku soo geba-geboobey jawi deggan, waxana laysla fahmey waxyalihii laga wada hadlay intii uu kulanku socdey.

—-Dhammaad—

Xafiiska warfaafinta Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland.

DSC_0016 DSC_0022 DSC_0024 DSC_0036 IMG_1901 IMG_1903 IMG_1911 IMG_1913 IMG_1917

The post Shirkii billaha ahaa ee Guddiga Fulinta mushruuca tayaynta iyo shaqalaysiinta qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda oo qabsoomay. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>