Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxamed Abshir Walde oo ku geeriyooday magalada Nayroobi

$
0
0

20131115635201048201190643M1570002Nayroobi-(Puntland Post) Allaha u naxariisto waxaa caawa fiidkii isbitaal ku yaala magalada Nayroobi ku geeriyooday Ganacsade Maxamed Abshir Walde oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Marxuumka ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ka xanuun sanayay beerka sida uu noo sheegay wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa.

IMG_4678
Cabdi Faarax Siciid (Juxa)

Walde ayaa bishii ugu danbaysay uu kasoo darayay xanuunkiisa, wuxuna ku jiray koomo hase yeeshee caawa ayuu xanuunkaasi u dhintay, Juxa oo la hadlayay goor dhawayd Radio Garowe ayaa sheegay in marxuumka uu aqoon u lee yahay mudo ka badan afartan sano isla markasna aragiisa ugu danbeeyay maalin ka hor inta uusan dhiman.

Wuxuu sheegay Juxa inuu ka mid ahaa raggii ugu horeeyay ee ka hadla laanta afka Soomaaliga ee BBC, sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii Puntland 1998. sidoo kale wuxuu ahaa ganacsiyo ku lahaa Puntland iyo Kenya.

Siyaasi Juxa ayaa sheegay in maalinta berito ah marxuumka lagu aasi doono magalada Nayroobi isla markasna ay warbaahinta la wadaagi doonaan taariikh nolaleedkiisa.

IMG_4709
M.hore.Puntland.Farole

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo ku sugan magalada Garowe ayaa tacsi ka diray geerida Maxamed Abshir Walde wuxuuna illaahay uga baryay inuu samir iyo imaan ka siiyo ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay.


Dadka tacsida ka diray geerida marxuumka waxaa ka mid ah wasiirka Cadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), wasiirka xananaada xoolaha Puntland Cabdijamaal iyo Taliyaha ciidanka Booliska Gen,Cabdirisaaq Afgaduud oo ku sugan magalada Nayroobi.

Marxuumka ayaa iska leh daarta weyn ee ay ee Hay’adda UNPD Garowe degan tahay sidoo kale wuxuu ka mid ahaa ragga ganacsiga ku leh magalada Nayroobi.

Mamulka iyo shaqalaha Puntland Post ayaa tacsi taa la mid ah u diraya ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay Maxamed Abshir Walde.

PUNTLAND POST

The post Maxamed Abshir Walde oo ku geeriyooday magalada Nayroobi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>