Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Haweenka oo Qardho ku qabatay dood looga hadlayo caqabadaha haweenka

$
0
0

QARDHO-(Puntland Post) Wasaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska ayaa dhammaan gobaladda Puntland ka wada kulamo wacyi galin ah kuwaasoo la xiriira xuska 8-Maarso oo sanad kasta wasaaddu ku qaban jirtay magalada Garowe kulmao waa weyn.

Kulanka maanta wasaraddu ku qabatay magalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa salka ku hayay sidii looga wada doodi lahaa arrimaha Jinsiga iyo caqabadaha hawenka iyo muujinta guulaha ay haweenku gaareen.

Doodan waxaa kasoo qayb galay mamulka Gobalka Karkaar, kan degmada Qardho iyo hooyooyin, inta uu socdayna haweenku waxay yeesheen dood markii danbe sababtay inay kasoo baxaan dhowr qodob kuwaasoo ay isla wada qaateen.

Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Qardho Cambaro shirtag ayaa goobta ka aqrisay qodobada laga soo saaray dooda ay maanta qabteen waxayna ku sheegtay in ahmiyada ay tahay sidii loosii horumarin lahaa awooda haweenka iyo dowrka ay ka ciyaarinaan siyaasada,waxbarashada,ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Docda kale wasaradda haweenka gaar ahaan xafiiska gobalka Karkaar ayaa qabtay kulan kaa la mid ah oo loogu sii gogal xaaraya xuska sideeda Maarso waxaana halkaa hadal ka jeedisay Isu duwanaha wasaradda ee Gobalka Karkaar Sahra Siciid Jaqanaf waxayna sidoo kale faah faahin ka bixisay ujeedka kulankan loo qabtay.

Ku xigenka duqa degmada Qardho Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa ammaanay dadaalada haweenka gobalka Karkaar sidoo kale waxaa amaan haweenka taa la mid ah usoo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Karkaar Warsame Macalin Cabdi oo tilmaamay haweenku inay xitaa ka qayb qaataan arrimaha nabadgalyadda gobalka.
1a91268e-f27e-44e9-976c-e80cb53faef0

3d4f4482-1574-4909-b27d-fc003f9ac61e

009e1799-dc6a-44cf-900f-c9f818c320c9

52b88433-2807-40a2-90ac-bab5316ec7ed

455dbe84-5b52-4663-9dbc-1fe929369633

477c4629-1894-416c-8f38-0a8a14534b29

328120c2-9523-4c95-8c8d-3847ace87dd9

521860d2-e110-4953-b52c-4361fab86d19

a9392ad3-2502-4a6b-b2bb-4c4b72ce71f8

dac77319-32b5-495c-abe2-32ae040c1f69

e06e3dff-f0ce-4109-9886-58caa3c35ad2

e9a56efa-fcd0-4208-857c-ad7e65f0044a

fc90f48e-ba3e-4355-97b1-9204dbdb7cc2
PUNTLAND POST

The post Wasaradda Haweenka oo Qardho ku qabatay dood looga hadlayo caqabadaha haweenka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>