GAROWE-(Puntland Post) Ka dib markii madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay shalay magalada Garowe ku daahfuray xafiis cusub oo lagu sheegay inay ku shaqaynayso Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ayaa waxaa arrintaasi maanta markii ugu horaysay ka hadlay agaasimaha guud ee Hay’adaasi Ciise Dhoolawaa oo dalka dibadiisa ku maqan.
Masuulkan oo la hadlay Radio Garowe waxa uu sheegay inay sharaf dhac tahay in la yiraahdo markii ugu horaysay oo hay’adda macdanta iyo shidaalka xafiiskii ugu horeeyay ka furatay Garowe, sidoo kale waxa uu sheegay inaan lagu war galin oo aan lagala tashan furitaanka xafiiskan oo uu sheegay inuu dhaliilsan yahay masuuliyiinta kasoo qayb galay ee aan runta sheegin.
Ciisa Dhoolawaa oo mudo badan xafiiskan joogay ayaa waraysiga laga qaaday ku sheegay inuu arrintan ku war galiyay madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas isla markasna madaxwaynaha oo xitaa u sheegay inuusan waxba kala socon arrinta xafiiska ee Hay’adda.
Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ayaa xafiiskeedii ugu waynaa ku lahayd magalada Bosaso halkaasoo shaqooyinka ugu badani ay ka socdaan balse furitaanka xafiiskan Garowe ayaa si weyn loo hadal hayaa.
DHAGAYSO: Ciisa Dhoolawaa
PUNTLAND POST
The post Ciisa Dhoolawaa oo ku sheegay xafiiska macdanta ee Garowe laga furay midaan lagala tashan appeared first on Puntland Post.