BOSASO-(Puntland Post) Kullankaan oo ay isugu yimaadeen Haweenka Gobalka Bari ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dawladda Puntland xafiiskeeda magalada Bosaso , waxaana ay haweenku uga hadleen doorka ay ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo siyaasadda.
Intii uu socda kullankaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay doorkii ay haweenku ku lahaayeen aasaaska iyo jiritaanka Puntland , iyagoona madasha ka sheegay in marwalba ay u taagan yihiin horumarinta dalkooda.
Isu duwanaha wasaradda haweenka ee gobalka Bari Ayaan Nuur Muuse ayaa dhankeeda sheegtay in haweenku leeyihiin aqoonyahano u faa’iideeya shacabkooda , waxaana ay shirkadaha ganacsi ee dalka kajira ugu baaqday in ilgaar ah ay ku hayaan haweenka gaar ah inay shaqaalaysiiyaan.
Qaar kamid ah haweenkii ka qeyb-alay kullanka ayaa iyana ka hadlay madasha, waxay muujiyeen inay karti u lee yihiin qabashada shaqooyinka ay u fasaxday diinteena Islaamka, waxay sidoo kale haweenku tilmaameen inay xaq u lee yihiin ka qayb galka arrimaha siyaasadda,waxbarashada,caafimaadka iyo bulshadda u shaqayntooda.
Wasaradda Haweenka Puntland ayaa dadaal ugu jirta qabashada xuska 8-Maarso taasoo ah maalin ku weyn haweenka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa inta ka horaysa maalintasi wasaraddu gobaladda oo dhan ku qabatay kulamo wacyi galin ah.
PUNTLAND POST
The post Kullan looga hadlayo dowrka haweenka ee horumarinta bulshada iyo siyaasadda oo lagu qabtay Bosaso appeared first on Puntland Post.