Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Marxuum Maxamed Abshir Walde oo maanta lagu aasay magalada Nayroobi

$
0
0

Nayroobi(Puntland Post) Allaha u naxariisto, waxaa maanta magalada Nayroobi xarunta waddanka Kenya lagu aasay Marxuum Maxamed Ashir Walde oo xalay fiidkii isbitaal magaladaasi ku yaala ku geeriyooday.

Aaska marxuumka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaala,Puntland,siyaasiyiin, culimo,aqoon yahan iyo Safiirka dowladda ee Kenya, aasaka ka dib ayay madaxdani jeediyeen khudbado u badan taariikhdiisa iyo tacsi. waxayna illaahay uga baryeen inuu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan umaddii iyo qoyskii uu ka baxay.

Xildhibaan Prof: Cabdirizaaq Cismaan Xasan (Juurile) oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxaafada la wadaagay wuxuu ka yaqaanay marxuum Walde waxa kale uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee BBC usoo shaqeeyay iyo warbaahintii dowladda.

Wasiiradii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay aad uga naxeen geerida Maxamed Abshir Walde waxa kale ay sheegeen inuu ahaa shaqsi wax badan u qabtay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaalada Dowladda dhexe Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa sheegay isagoo ku hadlayay afka dowladda inay tacsi u dirayaan ehelkii iyo dadkii uu ka baxay Maxamed Abshir Walde oo uu sheegay inuu aqoon u lahaa.

Marxuumka ayaa kasoo qayb qaatay dhismihii Puntland 1998, sidoo kale waxa uu ka mid yahay dadka ganacsiga ku leh Soomaaliya iyo Kenya.
12670800_1011872732181620_5740267035868516699_n

12799337_1011872882181605_6840585868779831780_n

12799463_1011872595514967_152051946404031867_n

12802782_10207038719859464_1624008814271332557_n

12814342_1011872792181614_6668684234414465157_n

12821488_1011872632181630_4843204602094799191_n

12821528_10207038720259474_375383841600843770_n

12832529_10207038720619483_2884723257750107567_n
PUNTLAND POST

The post Marxuum Maxamed Abshir Walde oo maanta lagu aasay magalada Nayroobi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>