GAROWE-(Puntland Post) Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ka mid ah Isiamdda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa tacsi ka diray geerdii ku timi habeen sii horaysay allaha u naxariistee Maxamed Abshir Walde oo xanuun ka haleelay beerka u geeriyooday.
Islaanka oo hadda ku sugan baadiyaha magalada Garowe ayaa ALLAAH uga baryay inuu Jannadiisa ku abaal mariyo Maxamed Absir Walde oo si weyn looga yaqaan Puntland, wuxuuna sidoo kale samir u waydiiyay dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabkii uu ka baxay marxuumkaasi.
Sidoo kale waxaa tacsi midaa la mid ah ka diray geerida marxuumka oo shalay lagu aasay magalada Nayroobi Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Suldaanka ayaa sheegay inuu ka baxay ruux samayn leh oo wax badan u qabtay dadka Soomaaliyeed.
Maxamed Abshir Walde oo ku dhintay da’da todobaadkan ayaa kasoo miq noqday dadkii wax ka qoray Axdi qarameedkii lagu dhisay Puntland 1998,. sidoo kale wuxuu ahaa rug cadaaa saxafi ah oo markiisii ugu horaysay ka shaqo bilaabay BBC.
ILLAAAHAY HA U NAXARIISTO MARXUUM MAXAMED ABSHIR WALDE.
PUNTLAND POST
The post Islaan Ciise Islaan Maxamed oo tacsi ka diray geeridii Marxuum M.Abshir Walde appeared first on Puntland Post.