Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda howlaha guud oo tababar kor loogu qaadayo shaqada waaxyaha howlaha guud oo Garowe ku qabatay

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Wasaradda howlaha guud, gaadiidka iyo guryenta Puntland ayaa magalada Garowe tababar ugu qabatay agaasimayaasha waaxyaha howlaha guud ee degmooyinka Puntland kaasoo saldhigiisa ahaa kor u qaadista tayada shaqada ay hayaan.

Xiritaanka tababarkan oo soo socday Sabtidii waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta wasaradda howlaha guud kuwaasoo goob joog u ahaa xiritaanka tababarkan oo daruus kala duwan lagu siiyay kasoo qayb galayaasha.

Ahmiyadda waxaa lagu saarayay qodobo ay ka mid ahaayeen hagaajinta qaab dhismeedka waaxyadaha howlaha guud ee mamulka degmooyinka Puntland, masuuliyada shaqada saaran madaxda waax-yahaasi iyo xiriirka kala dhaxeeya wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka.

Wasiir ku xigeenka wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka mudane Cabdiraxmaan Tijaana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarkan oo qayb ka qaadanaya hagaajinta shaqada howlaha guud wasaradda ilaa mamulka degmooyinka, wuxuna masuuliyiintii iyo Injineeradii kasoo qayb galay ka codsaday inay dib ugu celiyaan aqoonta ay halkan ka faa’iideen deegaanadii ay ka yimaadeen si shaqooyinka horyaala ay horay ugu sii socdaan.

Wasaradda ayaa dadaal ugu jirta kobcinta aqoonta shaqalaha ku howlaha arrimaha howlaha guud, waxa sidoo kale arrintaasi bar bar socda tababaro Garowe loogu qabanayo mamulka degmooyinka kaasoo ku aasan fahamka buugga dhismaha waddooyinka oo la hir galiyay.
20160307_004141

1

20160307_114822

20160307_094135

20160307_094024
PUNTLAND POST

The post Wasaradda howlaha guud oo tababar kor loogu qaadayo shaqada waaxyaha howlaha guud oo Garowe ku qabatay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>