Muqdishp pp)- Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsadey Wasiirka arrimaha gudaha DF iyo Wafti Ajnabi ah oo la socdey.
Agagaarka KM4 ayuu ka dhacay ,waxana la sheegey in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay isku qarxiyey goobtaas.
Goob-jooge ayaa Puntlandpost u sheegey in uu arkayey labo qof oo meyd ah iyo qof dhaawac ah oo goobta laga qaadayo, isagoona intaas ku darey in gaariga goobta uu ku qarxay uu ag marayey gaari kale oo bas ah ayna la socdeen dad shacab ah.
Faahfaahin buuxda si rasmiya loogama hayo khasaaraha qaraxa uu geystey , walow xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay saraakiisha amniga ay noo xaqiijiyeen inuu socdo baaritaan, war buuxana ay dhacdan goor dhow kasoo saari doonaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa wadooyinka waaweyn ee Muqdisho u xirnaayeen cabsi laga qabey weeraro sidan oo kale ah,waxase dib loo furey shalay iyadoo ciidamada amaanka ee DF ay sheegeen in heegan ugu jiraan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab.
Faahfaahinta warkan ayaanu idiin soo gudbin doonaa.
Puntlandpost.com
Muqdisho.