Garoowe: (pp)- Jimciyadda Al amru bin Macruuf Wanahyi Canil Munkar ayaa jimcihii lasoo dhaafey jariga ka jartey labo dhisme oo ah dugsiyo qur,aan oo laga hirgaliyey tuulada Baq baq oo ka tirsan degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal.
Culimo ka tirsan Jimciyadda Al Amru Bin Macruuf ayaa sheegey inay ku guuleysteen dhismaha labo xarumood oo dugsiyo qur,aanka ah, ka dib markii kharashaadka dugsiyadan ay kasoo aruuriyeen bulshada ku nool magaalada Garowe.
“Tiro 180 caruur ah ayaa ka faa,iideysan doonta dugsiyada laga hirgaliyey deegaanka Baq baq , kuwaas oo horey wax loogu dhigi jirrey geedo hoostood , balse hadda midaasi ay ka gudbeen oo loo hirgaliyey qolol dugsiya ayna ku xafitaan alaabta dugsiga” ayuuu yiri mid ka mid ah culimada Jimciyadda.
Bulshada ku nool deegaanka Baq baq oo ka hadley dhismaha labada dugsi qur,aan ee loo hirgaliyey ayaa sheegey inay uga mahad celinayaan Jimciyada Xumaan ka reebida iyo Wanaag farida deeq ay soo gaarsiiyeen Baq baq.
Tuulooyin badan ayaa waxaa ka jirta baahi la xiriirta goobaha waxbarasho ee ubadku inta badan wax ku bartaan , kuwaas oo u baahan dayactir iyo ka hirgalinta dhismayaal waxbarasho.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.