Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Daba-geed oo Alshabaab ku eedeeyey Qarixii shalay ka dhacay Baladweyne

$
0
0

Baladweyne-(Puntland Post)-Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in la adkaynayo amaanka garoonka Baladweyne oo shalay Qarax ka dhacay,waxayna sheegeen in aysan saamayn ku yeelanayn isu socodka shaqada garoonka Qarixii shalay ka dhacay.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Daba-geed” Daga-geed oo la hadlay BB-Cda waxaa uu sheegay in Qarixii shalay ka dhacay Baladweyne ay ka dambeeyeen Alshabaab,isagoo tilmaamay shaqada garoonka aysan waxba udhimayn Qarixii shalay ka dhacay.

timthumb
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar”Daba-geed”

“Qaraxaas waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa Alle ayaa fashiliyay, ciidamada amnigana waa ka hortageen, shan qof ayaa ku dhaawacantay wax kale oo dhibaato ah ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Daba-geed ayaa xusay in la adkayn doono amaanka Garoonka diyaarada ee Baladweyne, waxaana uu sheegay in laamaha amniga ee dowladda fadaraalka ay howlgalo wali kawadaan magaalada oo lagu baarayo dad kale oo ku lug leh Qarixii shalay.

Laba Qarax oo mid lagu soo xiray laabtoob ayaa lagu soo qaday mid kamid ah Gawaarida ka shaqaysa Garoonka,waxana Garoonka ku qarxay mid ay ku dhaawacmeen lix ruux oo afar kamid ah yihiin shacab iyo labo Askari,ciidamada Garoonka ayaana qabtay labada qarax mid kamida.

Qaraxa shalay ka dhacay garoonka Baladweyne ayaan waxaan jirin war rasmi oo kasoo baxay Alshabaab oo ku sheeganayso Qarixii Baladweyne.

PUNTLAND POST

The post Daba-geed oo Alshabaab ku eedeeyey Qarixii shalay ka dhacay Baladweyne appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>