Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Hay’adda PDRC oo magalada Garowe ku xustay maalinta haweenka adduunka

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Hay’adda cilmi baarista Puntland (PDRC) ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay kullan lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee haweenka Adduunka (8-Maarso) taasoo laga xuso dalal badan oo caalamka ah.

Xuskan oo lagu marti qaaday haween laga soo xulay goobaha waxbarashada, ururadda haweenka iyo dowladda ayaa waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Faadumo Jaamac Jibriil iyo Caasho Geelle Diiriye oo lagu tilmaamay inay nolashada guul ka gaaraan ku aadan u qareemida waxbarashada,xaquuqda haweenka iyo deegaanka.

Ugu horayntii kulanka waxaa furay Madaxa Hay’adda PDRC Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan (Shuuke) waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada munaasibadda xuska 8-Maarso, Shuuke ayaa sheegay dhalinyaradda inay ka cowdaan shaqo la’aan wuxuu kula taliyay inay iyagu shaqada abuurtaan oo ay is garab sidaan si ay guul u gaaraan.

Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa sheegtay maanta inay u tahay maalin ay ku qiimeeyaan waxqabadka haweenka, waxa kale ay sheegtay inay muujinayan maanta heerka ay taagan yihiin cida ka danbaysay iyo dadaaladii ay kusoo gaareen, haweenka Soomaaliyeed ayay u rajeysan inay nolashada horumar ka gaaraan kana qayb qaataan bar baarinta carruurta.

Munasibadda inta ay socotay haweenkii kasoo qayb galay waxay aad uga doodeen qodobo ay soo diyaarisay PRDC oo salka ku hayay sida horumarka haweenka loosii xoojin lahaa.isla markasna tallo wadaag loo noqon lahaa, Faadumo Jiribiil oo ah madaxa Hay’adda ADDESO iyo Caasho Geelle Diiriye oo 15-sano siyaasadda ku jirtay ayaa haweenkii kasoo qayb galay uga waramay siday ula soo halgameen nolashada iyo wax qabadkoodii kala duwanaa.

Hal-ku-dhaga sannadkan oo ah “Korinta wacyiga gabdhaha si loogu diyaariyo hogaanka mustaqbalka bulshadeena”.

Si loo xaqiiyo hadafka ku dhigan hal ku dhaggaas isaga ah, Munaasabadda 8da Maarso, waxay kulminsay dhowr dumar Soomaaliyeed oo horumar muuqda sameeyey kana dhex-muuqda gabdhaha Somaliya, Afrika iyo kuwa aduunka; waa Xaawo Aadan, Faadumo Jibril, iyo Caasho Geele dhanka kale boqolaal gabdho dhalinyaro ah oo laga soo xulay xarumaha waxbarashadda, ururadda dhalinyaradda iyo haweenka iyo hay’adaha dowladaha, Intaasi.

Hay’adda ayaa soo bandhigtay film koobaya taariikhda halganka nololeed iyo hogaamineed ee xaawo Fadima, iyo Casho oo ay xarunta PDRC isku xilsaartay inay film taariikhi ah ka diyaarisay dumarka guuleysay ee Soomaaliyeed kuna ‎Puntland‬ nool.


15

IMG_5986

IMG_5993

IMG_5999

IMG_6012

IMG_6019

IMG_6022

IMG_6029

IMG_6031

IMG_6032

IMG_6038

IMG_6044

IMG_6048

IMG_6052

IMG_6064

IMG_6072
PUNTLAND POST

The post Hay’adda PDRC oo magalada Garowe ku xustay maalinta haweenka adduunka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>