Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Wasaradda Haweenka oo xustay maalinta haweenka adduunka & madaxwayne ku xigeenka oo ka qayb galay

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland kaga qayb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Haweenka Adduunka oo sannadkiiba  la xuso maanta oo kale 8-da maarso.

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, odayaal dhaqameed, xubno meteleyey beesha Caalamka, boqollaal Haween ah iyo Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland oo iyadu soo qaban-qaabisay Munaasabadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenku  ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, isla markaasna sheegay in maalintani ay  muhim u tahay  haweenka Adduunka, sidoo kalena  uu aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qayb galo xuska maalintan  haweenka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay qiimaha ay  leedahay in la’ ilaaliyo xuquuqda haweenka isagoona sheegay in haweenka ay Diinta Islaamku siisay xuquuq dhammaystiran  taas oo aan cidkale siin karin.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambayntii kula dar-daarmay haweenka Puntland in ay sii wadaan ka-qayb qaadashada horumarka iyo nabadda Puntland maadaama ay horeba uga shaqayn jireen.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_1975 IMG_1984 IMG_1986 IMG_1993 IMG_1995 IMG_2027 IMG_2034 IMG_2035 IMG_2037 IMG_2050 IMG_2054 IMG_2059 IMG_2064 IMG_2069 IMG_2071 IMG_2073 IMG_2075 IMG_2078 IMG_2093 IMG_2101 IMG_2109 IMG_2112

 

 

 

 

The post Wasaradda Haweenka oo xustay maalinta haweenka adduunka & madaxwayne ku xigeenka oo ka qayb galay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>