Columbus(Puntland Post) Madaxwaynaya Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo safar ku jooga waddanka Maraykanka ayaa Jaaliyadda Puntland ee Soomaaliyeed kuna nool Gobalka Ohio kullan kula qaatay magalada Columbus.
Kulankan oo wajigiisa koowaad ahaa mid lagu soo dhawaynayo Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiin sar sare oo ka socda Senate ka iyo Congresska dalka Maraykanka, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin madaxwaynaha Puntland habka loogu soo dhaweeyay Gobalka Ohia.
Madaxda Jaaliyadda Puntland ee Gobalkaasi ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha madaxwayne Gaas ee dalka Maraykanka, waxa kale ay sheegeen inay mar kasta ga’an tahay ka qayb qaadashada horumarinta dalka gaar ahaan Puntland.
Madaxwayne Cabdiweli Maxmed Cali oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay munaasiabdda loo qaabtay ayaa marka hore sheegay inuu ku farax san yahay la kulanka bulsho Soomaaliyeed oo intaa leeg, waxa kale uu war bixin ka siiyay guulaha ay dowladdiisa ka gaartay xagga horumarinta iyo siyaasada.
Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ka codsaday inay dalkooda dib ugu laabtaan kana qayb qaataan dadaalada socda, waxa uu sheegay aqoontooda iyo waayo aragnimada ay ka dhexleen dalka Maraykanka aad looga baahan yahay Soomaaliya.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Maraykanka kulamo la qaadan doono madaxda dalkaasi iyo kuwa Soomaalida.
PUNTLAND POST
The post Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Columbus Ohio appeared first on Puntland Post.