Hay’adda wadooyinka dowladda Puntland ee PHA oo taageero dhaqaale ka helaysay mashruuca JPLG, ayaa maanta tababar usoo gabagabeysay Engineerada degmooyinka Puntland iyo waaxda wadooyinka.
Tababarkaan oo socday dhowr maalin ayaa lagu baranayay in hab cusub oo horumarineed loo helo wax ka qabashada ciladaha ka jira wadooyinka Puntland iyo sidii loo sixi lahaa.
Eng. Ciise Cumar oo ka socday hay’adda ILO, oo maalgelisay tababarkaan ayaa sheegay Engineerada tababarka la siiyay in ay la wareegidoonaan howlaha wadooyinka ee soo socda.
Tababarkaan ayaa qeyb ka ahaa tababaro xiriir ah oo loo qabanayay Engineerada wadooyinka Puntland.
The post Hay’adda PHA oo Garowe kusoo gaba-gabaysan tababar ku saabsan maaraynta ciladaha waddooyinka appeared first on Puntland Post.