Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

La taliye sare oo ka tirsan ‪Puntland‬ oo taageero dibadeed u raadinaya hanaanka asxaabta badan.

$
0
0

Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil “Shiikh Aduun” oo ah La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinaca Arrimaha bulshada rayidka ah ayaa maanta la kulamay international Idea Internationl institute for democracy and electoral Assistance oo ah machad caalami ah oo ka taageera wadamada soo koraya sidii ay u qabsan lahaayeen dhabaha dimuqraadiyada.

Masuul sare oo ka tirsan machadkaas… ayaa u balan qaaday la taliyaha Madaxweyne Gaas inay taageero buuxda ka geysan doonaan sidii hanaankaasi u noqon lahaa mid miro dhal ah gaar ahaan kobcinta gudiyada hawlahaas xukuumadu u xilsaartay kuwaas oo uu sida uu xaqiijiyey ay tababaro u bilaabi doonaan.

Machadku wuxuu soo dhoweeyey dalabka uga yimi Dowlada Puntland isagoo ku booriyey in Xukuumadu qaado talaabo kasta oo suurtagal ah si maamulkaasi ugu gudbo hanaanka asxaabta badan.

Labada masuul ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan kulamada ay yeelanayaan si ay u xaqiijiyaan xiriir buuxa oo labada dhinac dhex mara kaas oo salka ku haya iskaashi.

aduun

aduun3

The post La taliye sare oo ka tirsan ‪Puntland‬ oo taageero dibadeed u raadinaya hanaanka asxaabta badan. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>