Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xubno ka socdey EU oo Garowe kula shiray Hay’adda PDRC, guddiga doorashadda iyo wasaradda Dastuurka

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Wafti ka socda Midowga Yurub oo soo gaarey ‪ ‎Garowe‬, ayaa kulan muhiim ah la qaatey masuuliyiinta iyo howl-wadeenada xarunta PDRC.

Dhinacyada kulmey waxay si qoto dheer uga hadleen horumarada siyaasadeed ee ka soconaya dalka, gaar ahaan hindisaha Puntland ay ku doonayso dimuqraadiyeynta nidaamka dawladnimo iyo hirgalinta asxaabta.

Hay’adda PDRC, iyada oo ka duulaysa natiijayada daraasado dhowr ah oo ay hirgalisay iyo xeel-dheerida ay u leedahay wacyiga gudaha dalka, waxay warbixin iyo saadaal wanaagsan ka bixisay hirgalinta barnaamijka dimuqraadiyeynta ee ‎Puntland‬, iyadoo ka codsatay wakiilada ka socday Midowga Yurub (EU) in gudiga cusub ee doorashooyinka Puntland laga taageero dhan dhaqaale iyo mid farsamo, sidoo kale xaruntu (PDRC) waxa ay u xaqiijisay midowga yurub in ay sii wadi doonto taageerada farsamo iyo la shaqaynta gudiga doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan, in Labada dhinacba ay isla qireen in aqoonta iyo garaadka uu aad uga duwan yahay ugana fiican yahay sidii uu ahaa dhowr sano ka hor, taasi oo ugu wacan tahay khibradii iyo aqoontii laga dhaxlay isku-day’gii 1aad ee hanaanka xisbiyada badnaa oo markii dambe la hakiyey july 13, 2013, taasi oo ugu yaraan Puntland maanta ka caawindoonta in aan wax kasta kow laga bilaabi-doonin.

Dhanka kale, Midowga Yurub (EU) waa maal-galiyaha ugu weyn ee taageera inta badan barnaamijta ay xarunta PDRC hirgalisay 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in xarunta ‪‎PDRC‬ ka saaciday-say waftiga ka socday midowga Yurub fududeynta kulamo isdabo-joog ah oo ka dhacay xarunteeda, kuwaas oo ay wakiilada midowga yurub ku arkayeen xubnaha Gudiga Doorashooyinka Puntland, Ururadda Bulshada Rayidka ah, iyo wasaaradaha Amniga iyo Dimuqraadiyeynta oo ay wasiiradoodu goob-joog ka ahaayeen kulamadii maanta.
10398391_1156399377712846_9071251410654785950_n

12794501_1156399101046207_6894719766766547334_n

12798879_1156399454379505_4043272347870433630_n

12799263_1156399347712849_4866664844324227616_n

12800296_1156399547712829_4760806246232621820_n

12801102_1156399294379521_1275518213934929923_n

12802940_1156399611046156_5464612912101698575_n

12804788_1285153911501172_3488569633343614439_n

12809646_1156399217712862_8160661486233567754_n

12809801_1156399241046193_4470376332419281817_n

12821602_1156399507712833_1319240204472606978_n
PUNTLAND POST

The post Xubno ka socdey EU oo Garowe kula shiray Hay’adda PDRC, guddiga doorashadda iyo wasaradda Dastuurka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>