Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mareykanka oo rajo xun ka muujiyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab

$
0
0

‘‘Dagaalka lagula jiro Alshabaab waa lagu guuldareystay in lagu gaaro ujeedooyinkii laga lahaa sababtoo ah tirada ciidamada AMISOM oo aan ku filnayn inay deegaanada wada gaaraan iyo taag iyo tayo xumo haysata ciidamada militariga Soomaaliya,’’sidaas waxaa yiri madaxa militarriga Mareykanka ee Africa (AFRICOM) General David Rodriguez.

‘‘Sanadkii lasoo dhaafy Alshabaab dhul waa laga qabsaday waana la wiiqay awoodii ay ku heli lahaayeen dhaqaale laakiin waxaa suuragal ah in Alshabaab qorsheyaashooda argagixiso ku fidiso guud ahaan gobolka Geeska Afrika,’’ ayuu markale yiri General David Rodriguez.

Jananku wuxuu xusay in dedaalka Mareykanka iyo quwadaha kale ugu jiraan xoojinta ciidanka Soomaalita iyo tayanta maamulka dowladda Soomaaliya aan guul fiican laga gaarin.

Dhanka kale wuxuu Jananku dhaliilay ciidamada militariga Soomaaliya kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo wali aan ka madax banaanayn ciidamada AMISOM,wuxuuna xusay inaysan lahayn awood iyo tayo ay ku qaadi karaan howlgal militari isagoo sabab ugu dhagay sadex arin oo kala ah inay qaab qabiil ukala qobqoban yihiin,taageero loogistiko la’aan iyo ugu dambayn hogaan xumi.

Wuxuu intaas ku daray in deegaanada maamul xumidu ka jirto dowladnimaduna aysan wali gaarin ay sii wadi doonaan taageerada ay uhayaan Alshabaab iyo in waliba ay gabaad siiyaan.

Generaal David Rodriguez ayaa dhaliishan jeediyay xili uu warbixin dhanka amniga ah siinayay gudiga aqalka senatka uqaabilsan arimaha ciidamada.

The post Mareykanka oo rajo xun ka muujiyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>