Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxaabiista ku xiran xabsiga Garowe iyo wariyaasha oo kubad wada ciyaaray

$
0
0

ciyaar1GAROWE-(Puntland Post) Galabta xabsiga weyn ee magalada Garowe waxay ciyaar kubadda cagta ah ku dhexmartay koox maxaabiista ka tirsan iyo wariyaasha ka howl gala caasumadda,ciyaartaasoo wajigeeda lagu sheegay inay tahay is-dhex gal iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo warbaahinta.

Xeer ilaaliyaha Qaranka, Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, taliyaha ciidanka asluubta Puntland, xeer ilaaliyaha, wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha, wasiirka Cadaalada iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo qayb galay ciyaartan oo loo arkayay inay qayb weyn ka qaadan karto kor u qaadista dhiirigalinta maxaabiista Xabsiga ku xiran.

Labada kooxood ee wada dheelay ayaa isku muujiyay inay tahay ciyaar walaalnimo korna usii qaadi karta is-barashada, waxayna dhammaadkii guushu saddex gool iyo waxba ku raacdey kooxdii matalaysan maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee magalada.

Waxaana halkaa lagu gudoon siiyay koob, masuuliyiintii kasoo qayb gashay oo hadlayna waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin qaabka ciyaartan loosoo qaban qaabiyay iyo kartida ay maxaabiistu u lee yihiin inay jirkooda dhisaan isla markasna ciyaaraha kala duwan xabsiga dhexdiisa ku bartaan.

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Bashiir iyo Taliyaha ciidanka Asluubta DFS Bashiir Goobe oo la hadlay Puntland Today waxay sheegeen inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin inay goob joog ka noqdaan ciyaartan, waxa kale ay labadaan masuul kala u kala dheelayaan kooxaha wada ciyaaray.

Madaxda Puntland ka socotay ee kasoo qayb gashay kullankan ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin ciyaarta saaxiib-nimo ee dhexmartay wariyaasha iyo maxaabiista taasoo noqonaysa nooceeda tii ugu horaysay.

PUNTLAND POST

The post Maxaabiista ku xiran xabsiga Garowe iyo wariyaasha oo kubad wada ciyaaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>