Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne Gaas iyo marwadiisa oo lagu soo dhaweeyay magalada Minnepolis

$
0
0

Minnepolis(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo maalmahan safar ku joogay waddanka Maraykanka ayaa saacado ka hor soo gaaray magalada Minnepolis ee Gobalka Minnesato, halkaasoo isaga iyo marwadiisa Hodan Siciid soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Puntland ee Gobalka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha madaxwaynaha Puntland ee MN, waxa kale ay tilmaameen inay muhiim u tahay in madaxwaynaha laga dhagaysto khudbadiisa la xirirta xaalada dalka gaar ahaan Puntland iyo waxa u qabsoomay.

Odayaasha Puntland ee Minnepolis, oo hadlay ayaa sheegay inay madaxwaynaha kala hadli doonaan xaalada dalka iyo sida ugu muhiimsan ee wax looga qaban karo abaaraha waddanka ka jira.

Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Minnesato waxa kale uu sheegay in Puntland meel ka istaagtay qaadashada nidaamka 4.5 oo lagu saleeyay habka lagu soo xulayo Baarlamaanka cusub, waxa kale uu sheegay maalinta Jimcada ah inuu kullan la qaadan doonno Jaaliyadda.

Jaaliyadda Puntland ee magalada Minnepolis ayaa qaban qaabinaysa kullankaasi oo dadwayne kala duwan lagu caasumay.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

12799348_10208042302109300_1187260921564089340_n

12801245_10208042287108925_7081734336277558712_n
PUNTLAND POST

The post Madaxwayne Gaas iyo marwadiisa oo lagu soo dhaweeyay magalada Minnepolis appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>