Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxmed Cali Gaas oo safar shaqo u jooga waddanka Maraykanka ayaa Caawa 10-March-2016 waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Minneapolis ee woqooyiga Waddanka Maraykanka.
Soodhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa kaqayb qaatay boqollaal ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee waddanka maraykanka gaar ahaan jaaliyadda reer Puntland saraakiil ka socota maamulka Minneapolis iyo gobolka Minnesota.
Dadweynihii ka qayb qaatay soodhoweynta oo ka koobnaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqanaysey taageerada lixaadka leh ee ay u hayaan Madaxweynaha Dawladda Puntland, kuwaas oo muujinayey kalsoonida buuxda ee ay u hayaan go’aankii dawladda Puntland ay ku diidey in dalka dib loogu celiyo nidaamkii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dhammaan dadweynihii kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaadan doono dhammaan jaaliyadaha kala duwan ee Soomaaliyeed muddada uu jooga Minneapolis, isla markaana uu kala hadli doono kaqayb qaadasha geeddi socodka nabadda Soomaaliya iyo horumarada kala duwan ee dalka ka socda.
Madaxweynaha ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxa uu safaro ku kala tegey magaalooyin kamid ah waddamada Maraykanka iyo kanada, halkaas oo uu kala kulmay soodhoweyn aad u sarraysa, isla markaana uu kulamo la qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku dhaqan waddamadaasi iyo saraakiil sarsare oo katirsan labadaasi dal.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soodhoweyey Minneapolis appeared first on Puntland Post.