Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda Astaynta Maamul wanaaga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland oo qabatay dood cilmiyeed

$
0
0

mamul-wanaagaHay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo   la dagaalanka dowladda puntland ayaa galabnimadii arbacada qabatay barnaamij dood cilmiyeed iyo wacyi galin isugu jira, kaas oo looga gol lahaa sidii bulshada loo fahansiin lahaa muhiimdda maamul wanaagga iyo ka hortagga wax yaalaha dib u dhaca u keeni karaya bulsho weynta reer puntland kaas oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa .

dood cilmiyeedaas oo ay ka soo qayb galeen musuuliyiin ka socotay dowladda, aqoon yahayno wax ka dhiga jaamacadaha Puntland , qaarkoodna soo qabtay xilal muhiim ah oo kala duwan, ayaa waxaa aad loo lafa guray muhiimadda Maamul wanaaggu leeyahay iyo in uu ku baaho puntland oo dhan, si meesha looga saaro dib u dhacyadii laga dhaxlay burburkii ku habsaday soomaliya oo dhan,

dhanka kale waxaa madashaas dood cilmiyeedda iyo aqoon is weydaarsiga isugu jirtay si gaara uga hadlay qorshaha dowladda ee lagu wanaajinayo maamul wanaagga lagulana dagaalamayo Musuqmaasuqa Agaasimaha guud ee xafiiska Astaynta maamul wanagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa cabdiraxmaan Cali Guureeye,

dowladdu waxay wadaa qorshe cad oo muuqda aanna isleenahay dhawaan natiijo wanaagsan ayaa ka soo baxaysa Insha Allahu, waxaan wadnaa baahin iyo wacyi galin badan, waxaan horay u qiimaynay haddana weli wadnaa qiimayno kala horeeya oo xafiis walba lagu abaal marinayo wax qabadkiisa.

Agaasimuhu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in loo gudbi doono Maamul wanaagga aan doonayno, Musuqmaasuqana la cirib tiri karayo balse loona baahan yahay doonid iyo Wada shaqayn dhab ah.

Doodaas cilmi baarista iyo wacyi galinta isugu jirta ayaa aqoon yahanadii ka soo qayb galay waxay dhankkoda ka soo jeediyeen talooyin iyo in baahi weyn loo qabo maamul wanaag dhab ah oo ku baaha Puntland oo dhan, dagaal saf ballaran ah logu qaado musuqmaasuqa iyo wax walba oo ummaada Puntland dib u dhac ku keeni karaya sida jahliga, faqriga iyo mashaqysta nimada

The post Hay’adda Astaynta Maamul wanaaga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland oo qabatay dood cilmiyeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles