Qarax wayn oo loo adeegsaday gaari ayaa xalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaana ku dhintay dad gaaraya 34 ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen dad kabadan 75 ruux.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ahayd meel aad u saxmad badan oo laga raaco basaska iyo tareenata mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay qaraxan ,
Isbitaal ku yaala magaalada Ankara ayaa lagu dabiibayaa dadkii ku wax yeeloobay qaraxan ,
Maxadweynaha dalka turkiga Erdogan oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay inuu ka xun yahay dad shacab ah oo la laayo waxa kaloo oo sheegay madaxweynuhu in kooxaha argagaxisadu ay bar tilmaad sadaan dad shacab ah maadaama xoogaga amaanka ee turkigu uga adkaadeen mintidiinta dagaalka.
The post Qarax ka dhacay magaalada Ankara oo ay ku geeriyoodeen 34 RUUX appeared first on Puntland Post.