Garoowe: (pp)- Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta sheegey inay socoto dhismaha maxkamada dastuuriga ee Puntland , iyadoona gacanta dowladu ku hayso sameynta xeerarkeeda.
Gudoomiyaha Guddiga doorashada Puntland Mudane Maxamed Xasan Barre oo shir jaraa,iid ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegey in sharciga Maxkamada la horgeyn doono marka uu furmo kalfadhiga golaha wakiiladu 15 June .
Maxamed Xasan Barre waxa uu sheegey in Madaxweynuhu uu kusoo wargaliyey dhismaha Maxkamada Dastuuriga in la dhameystiri doono ka hor inta aan la gaarin 08 January 2014 xilliga doorashada.
Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre waxa uu dhanka kale ku sheegey shirkiisa jaraa,iid in guddigu uu ku wargaliyey ururada siyaasada inay usoo gudbiyaan ka hor 11 bishan liiska Magacyada uga qeyb galaya tartanka doorashooyinka goloyaasha deegaanka.
Lama garanayo waxa ay ka bedeli doonto ku dhawaaqida sameynta Maxkamada Dastuuriga go,aankii horre ee Ururada Midnimo iyo UDAD oo shuruudahoodii horre qeyb ka ahayd sameynta Maxkamada Dastuuriga.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.