Waxaan doonayaa inaan idin soo gudbiyo arin igaga dhacdey intaan Mogadishu joogey Xafiiska Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamud Xasan Saleebaan.
Waxaan shaqo u raadsadey 03.05.2013, anoo wata Shahadii Jaamacada Iyo Waraaq ay ku qorneyd goobaha aan kasoo shaqeeyay, waxaan Xafiiska Wasiirka Maaliyada tagay 10-Subaxnimo, waxaan la kulmey Shaqaalihii halkaa joogey, waxaan u sheegay inaan shaqo doon ahay, su,aashii u horeysay waxaa la i yiri xagee ka timid, markaas baan iri Puntland, waa la igu qosley oo la iigu jawaabey oo maad ka shaqeyso Wasaarada Maaliyada Puntland, anoo la yaaban habdhaqankooda ayaan iri wax shaqaala ah oo kasoo jeeda Puntland ma ii sheegi kartaan, kadib ayuu isagoo qoslaya yiri kaas halkaa taagan baa ah, balse waxba kuu qaban maayo ee sidaa ogow.
Waxaan u tagay ninkii la igu yiri waxa uu kasoo jeedey Puntland isagoo meesha taagan ayaan iri walaalow gabar reer Puntland ah baan ahay shaqo raadis ah ee ma i caawin kartaa, waxa uu yiri meeshaan shaqo ma jirto iska tag amase ninkaas Hawiye shaqo haku siiyo anna mashquul baan ahay Bye, anoo ciil Iyo caro i heysa oo yaaban ayaan u soo dhaqaaqey xafiis uu ii tlimaamey oo isla Wasaarada ah, waxaa i qabtey labo nin oo ciidan ah waxa ay dhaheen, Naa xagee ka timid maxaa aheyd, intaan cabsadey baan iri Puntland shaqo ayaan raadinayay, waxa ey bilaabeen iney handadaad Iyo Hanjabaad igula kacaan, waxaan ka war-helay Dharbaaxo Iyo garba-duub, waxaan qeylo afka ku shubtey oo iri, Yaa Daaroodey Yaa Reer Puntland ah, nasiib-xumo cidina iima soo gurman, waxa ey ii jeedeen Qol ey dadka ku xiraan, halkaas ayaan ilaa Galabtii ku xirnaa, anoon qadeyn, waxa ii yimid nin ciidan ah, waxa uu yiri Naayaa Puntland Iyo Daarood waxba kuu qaban maayaan ee dan makuu tahay inaan meeshan kaa saaro oo aad Puntland Iyo halkii aad ka timid aado.
Waxaan ku jawaabay anoo ilmeynaya haa, waxa iiga furey qolkii anoo naxsan ayaan kasoo baxay Wasaaradii, waxaan imid Xaafadii aan Mogadishu ka joogey ee Howal-wadaag, waxaan u sheegey Adeerkey oo meesha isna joogey, waxa uu bilaabey inuu taleefankii Wasiirka waco, nasiib wanaag, wasiirkii baa qabtey oo sheekadii looga sheekeeyay, waxa aan fileynay Cadaalad Iyo Hiil, Wasiir Saleebaan waxa uu ku jawaabey, waxba kama qaban karo meeshaan ee iska samra.
Hadaba waxaan sheekadeyda ku soo koobayaa, Reer Puntlandnow Bahdil Iyo Hanjabaad baa Mogadishu idin kaga horeysa ee dhulkiina iimaansada, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Hassan Saleebaan, waxaan moodayay inuu ii damqan doono amase uu booskii nin reer Puntland ah uu ii galayo balse taas ma dhicin.
FG: Qoraalkan Puntlandpost masuuliyad kama saarna waxa uu u gaar yahay qoraaga hoos magaciisu ku saxiixan yahay .
Siraad Yuusuf Geele
siraad80@gmail.com
Mogadishu Soomaaliya.