London: (pp)- Goor dhoweyd ayaa caawa lagu soo gabogabeeyey magaalada London shirkii Somalia oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 50 dal oo dunidada ah iyo ururo caalami ah.
Shirkan ayaa waxa si wadajir ah waxa u gudoominayey David Cameron iyo Xasan Shiikh Maxamuud ,waxana dhaqaale loogu yaboohey DF Somalia sidii ay uga soo kaban lahayd dhaqaale xumada ,horumarinta amaanka iyo hayadaha Garsoorka.
Si wadajir ah ayay saxaafada ula hadleen labadan masuul oo Cameron sheegey in xiligan caalamku doonayo Somalia inuu ka caawiyo sidii ay lugaheeda ugu istaagi lahayd.
DF Somalia ayay ku sheegtey Britain mid horumar ku talaabsatay mudadi koobneyd ay jirtey,waxaan ay cadeysey in argagixisada iyo burcad badeedu caqabad ku yihiin xasiloonida Somalia ,Malaayiin dalka gudahiisa ku barakacdey inay jiraan una baahan waxyaabaha asaasiga u ah nolosha iyo arrimaha gargaarka.
Britain ayaa shaacisey in dhaqaale Malaayiin Doolar ah ku bixin doonto dhismaha ciidamada Somalia ,tababarka Booliska iyo laamaha garsoorka.
Xasan Shiikh Maxamed ayaa sheegey isna in taageerada Beesha caalamku muhiim tahay xiligan Somalia oo isku dayeysa inay fowdo iyo burbur 20 sanno ka badan ay ka soo kabato.
Siyaasada
Horumarka siyaasadeed ayaa lagu sheegey inuu yahay furaha xasiloonida Somalia muqstaqbalka ,waxana la taageerey qorshayaasha DF Somalia oo ugu horeyso balanqaadka ah inay doorasho xor ah ka dhacdo dalka 2016.
Doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee Bisha June ayaa iyana lagu sheegey warsaxaafadeedka inay ugu horeyso taageerada Beesha caalamka ee dimoqraadiyada Somalia.
Waxa la soo dhoweyey shirka dhismaha maamul goboleedyada dalka ,iyadoona gobollada lagu dhiirigeliyey wada shaqeynta DF iyo gobollada si Somalia oo mid ah loo gaaro iyadoo la dhaqangelinayo dastuurka.
Shirarkii IGAD iyo Ankara ayaa la soo dhoweeyey ,waxana sidoo kale lagu baaqey dhowrista xuquuqda aadanaha ,oo la sameyo guddi u gaar ah , ka hortaga askareynta caruurta ,Kufsiga dumarka ,baaritaanka dilalkii wariyaasha iyo dhowrista xoriyada hadalka.
Amaanka
Amaanka ayaa shirku ku tilmaamay mid shardi asaasi u ah horumarka dhinacyada kala duwan Somalia ,waxana dhaqaale 200 oo Malyan ku dhow loogu yaboohey Somalia sidii ay wax uga qaban lahayd amaanka oo qayb ka yihiin dhismaha ciidanka ,tababarka booliska iyo tayaynta xafiisyada maamulka.
Waxa la soo dhoweeyey dadaalada DF ay amaanka ku sugeyso ,iyadoo qaadeysa masuuliyada ciidamada oo noqonaya kuwo loo dhanyahay ,munaasib ah islamarkaasina dadka rayidka ah iyo xuquuqdooda dhowraya.
Dadaalada lagula dagalaamayo burcad badeeda ayaa shirku bogaadiyey ,iyadoo Puntland la soo hadal qaadey horumarka ay ka gaaray dhankaasi ,waxana la sheegey in caalamka oo kaashanaya Somalia ay ka go’antahay soo afjarida burcad badeeda.
Garsoorka iyo Booliska
Waxa shirku soo dhoweeyey shirkii dib u habaynta Garsoorka ee Muqdisho ka dhacay bishii hore April iyo qorshaha afarta sanno ee la xisaabtanka masuuliyadeed ee booliska Somalia.
Somalia ayaa loo balanqaadey taageero dadaalada la-dagaalanka burcad badeeda ,dhismaha xabsiyaal lagu dhowrayo karaama insaanka qaybna ka noqoneysa sidii looga hortagi lahaa khatarta kooxda Al-shabaab.
Maamulka Maaliyadeed
Shirka ayaa soo dhoweeyey dhismaha guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa,waxana lagu dhiirigeliyey wasaarada maaliyada inay qaado talaabooyin adag oo la-xisaabtan ah sida diyaarinta warbixinada miisaaniyada ,kharashka baxay iyo dib u eegista xisaabahaasi.
Ictiraafki IMF ayaa la bogaadshay ,waxana sidoo kale la dhiirgeliyey maalgeshida dalka sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Somalia.
Xasiloonida
DF ayaa si loo xaqiijiyo xasiloonida waxa loogu baaqey ka hortaga colaadaha iyo jeedinta dhalinyarada ku jirta khatarta.
Qaxootiga iyo Barakacayaasha gudaha
Shirku waxa uu so jeedshay in la laba jibaaro dadaalada dib dalka si iskood ah ugu soo laabanyaan qaxootigu ,waxana lagu amaanay dallalka deriska ah doorkay ka qaateen soo dhoweynta malaayiinta Somalida ah.
Halwgalka UNSOM ayaa shirku soo dhoweeyey ,waxana loogu yeerey inay shaqada wadaan iyadoo wadahal iyo isfahanka la xeerinayo.
Dhamaadkii ayaa maahdcelin waxa loo soo jeedshay dhamaan intii suurigelisey qabsoomida shirkan oo la sheegey inuu ka mid yahay kuwo badan oo taageero loogu raadinayo Somalia.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
London.