Garoowe: (pp)- Axmed Maxamed Cali oo horey uga mid ahaa shaqaalaha laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed uu u magacaabey Agaasimaha guud ee Warbaahinta Puntland.
Warbaahinta Puntland oo ka kooban TV iyo Idaacad ayaa dhawaan lagu guuleystey in hawada idaacadu soo gasho, iyadoona TV-ga maalmaha soo socda uu hawada soo gali doono sida Puntlandpost wararka ku helayso.
Axmed Kismaayo ayaa kusoo qorey Barta Facebook-ga ku sheegey‘”Waxaan laanta Somaliga u soo shaqeeyay 12 sano iyo dhowr bilood waxana ku faraxsanahay kaalintii aan ka qaatay muddadaas warba ahinta Somaliga ee caalamiga ah iyo sidii aan uga soo shaqeeyay gobolka aan u dhashay”
Dikreetada Madaxweynaha uu ku magacaabey Axmed Kismaayo ayaa soo baxdey maalintii shalay, waxaana hadda socota qaban qaabada shaqaalaha ama wariyaasha ka howl-gali doona xarumahaasi warbaahinta Puntland.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.