Gaalkacyo(Punntland Post) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya ciidan hubaysan oo u hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne inay gaareen deegaanka Garacad oo ka tirsan Gobalka Mudug.
Farawayne iyo ciidankiisa ayaa baadi goobayay haraagii maleeshiyada Al-Shabab ee xalay lagu laayay dagaalkii ka dhacay dooxada Bad-qado ee Gobalka Nugaal, ma jirto ilaa iyo hadda war sugan oo laga hayo khasaaraha inta uu leeg yahay balse sarkaal ciidan ayaa Puntland Post u shegay in khasaaro lixaad leh kooxda hubaysan ay gaarsiiyeen.
War kale laga hayo ilaa iyo hadda dagaalkii ka socdey togga SUUJ ee Gobalka Nugaal, waxaase la tilmaamayaa inay u muuqato weerarkaasi in caawa lasoo gaba-gabeeyo.
Puntland ayaa sheegtay inay guulo kasoo hoyeen dagaaladii Bad-qado, iyo SUUJ.
Wixii kusoo kordha kala soco www.Puntlandpost.com
The post Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo ciidan uu horkacayo oo gaaray Garacad appeared first on Puntland Post.