Waxaa shalay magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 8da ee Champions League iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh, kulamada ugu adag ee wareegaan waxaa ka mid ah marka ay isku dhaceen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid, halka PSG ay mar kale wajihi doonto koox Ingariis ah Manchester City.
Kooxda ugu guulaha badan koobkan ee Real Madrid ayaa iyadana heshay kulan ay dad badan u arkaan inuu sahlan yahay iyagoo ku soo aadan koox aan qibrad badan u laheyn koobkaan oo markii ugu horeysay abid soo gaartay wareega sideeda waa kooxda Jarmalka ee Wolfsburg, halka kooxda kale ee Jarmalka ee Bayern Munich ay wajaheyso kooxdii la wada doonayay ee reer Portugal ee Benfica.
Liiska isku aadka wareega 8da ee Champions League
Barcelona vs Atletico Madrid
PSG vs Manchester City
Real Madrid vs Wolfsburg
Bayern Munich vs Benfica
The post Isku Aadka Wareega Sideed Dhamaadka Champions League Oo La Soo Saaray appeared first on Puntland Post.