Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Diyaarad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ku dhacday magaalada Rostov-on-Don ee dalka Ruushkaa

$
0
0

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 62 qof oo rakaab  iyo shaqaalihii diyaaradda isugu jira ayaa dhamaantood shilkaas ku dhintay.  Diyaaradda ayaa burburtay iyada oo ku degeysa magaalada Rostov-on-Don ee dalka Raashiya.

Sida la soo sheegayo diyaaradda ayaa dhulka ku dhacday kadibna waxa ay u kala jabtay labo qalbac  waxaana halkaas ku naf waayey 55 qof oo rakaabkii ah iyo 7 shaqaalaha diyaarada ah.

Diyaaradda oo nooceeda lagu sheegay Boeing 737 waxa ay u shaqaynaysa  shirkadda FlyDubai ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaradka Carabta.

 

PUNTLAND POST

The post Diyaarad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ku dhacday magaalada Rostov-on-Don ee dalka Ruushkaa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>