War hadda naga soogaaraya deegaanka Toga Suuj ayaa sheegaya in howl galkii ay dowlada Puntland halkaas kawaday lasoo afjaray,
Wariyaha Puntland Post Cali Ducaale oo hada ku sugan toga Suuj ayaa noo xaqiijiyay in halkaas uu ku arkay 31 maxbuus iyo in kaban 60 dhimasho ah.
G. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah saraakisha ciidanka Puntland hogaaminaysa oo toga Suuj saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in holgalkii Suuj la soo afjaray ayna hada wali raad goobayaan maydad kale oo la rumaysan yahay in ay in taas ka badan yihiin.
Waxaa xusid mudan maxaabiista halkaas lagu soo bandhigay ay u badan yihiin dhalin yaro Da’doodu u dhaxayso 13-19 jir.
Wixii wara ee kordha kala soco Warbaahinta Puntland Post
PUNTLAD POST
The post Puntland oo Dagaalkii Toga Suuj Soo Afjartay iyo Warbaahinta oo Goob jog ahayd appeared first on Puntland Post.