Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab xalay saqdii dhaxe weerar culus ku qaadeen xerada Laanta Buuro, halkaas ay daganaayeen ciidamo ka tirsan ciidamo Soomaali ah.
Al-Shabaab ayaa xeradaasi ka weeraray dhoor jiho, waxaana dagaal culus kadib lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay qabsadeen qeybo ka mid ah xeradaaai kadib markii ay ka carareen ciidankii milatariga ee halkaasi lagu weeraray.
Wararka ayaa sheegaya in baabuur dagaal ay halkaas Al-shabab ku qabsadeen , waxayna gawaaridaas iyo hubkii ay xeradaas ka furteen la aadeen dhinaca Deegaanka Owdheegle.
PUNTLAND POST
The post Dagaalka ka dhacay Laanta Buuro appeared first on Puntland Post.