Warar sugan oo Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in la dhameeyey qilaaf ka jiray Beelaha , iyadoo maalmaha soo socda la filayo in la doorto madaxweynaha Jubbaland State of Soomaaliya.

Khilaafka ergooyinka oo djamaaday iyo Madaxweyana Jubbaland State oo la dooranayo maalmaha soo socda
Urur goboleedka IGAD masuuliyiin ka socota oo yimi magaalada Kismaayo ayaa keenay Sanaadiiqdii Doorashada , iyagoo masuuliyiinta shirka daadihinaya uga mahadceliyey sidda wanaagsan ee ay usoo gaba-gabeeyeen qaabka Xulshada Ergooyinka oo khilaaf la’aan ku dhammaaday.
Maalmaha soo socda ayaa la sugayaa in la doorto madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa maamulka Jubbaland State of Somalia oo noqon doonaa maamulkii ugu horeeyey oo Federaal ah oo ka dhasha Koonfurta Soomaaliya.
Shacabka Jubbooyinbka ayaa ay ka muuqataa niyad wanaagsan iyo yidiilo mustaqbal , iyagoo sugaya oo kaliya maamulkii hogaamin lahaa Deegaanada Jubbooyinka ee Soomaaliya.
Heshiiska iyo Guusha ay gaareen shacabka Jubbooyinka ayaa weji gabax waxay ku noqonaysaa DF ee Soomaaliya ee hogaanka u yaha Xasan Culusow, kaas oo Geed gaaban iyo dheer u koray inuusan hergelin maamulka Jubbaland State ee Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo oo Xarrunta lagu kaamilay Qorshaha Jubbaland State ayaa aad looga hadal hayaa guusha laga gaaray iyo doorashada loo dhaqaaqi doono maalmaha soo socda.
Goobtii Doorashada iyo Sanaadiiqda doorashada Madaxweynaha ayaa qaban-qaabadeeda lagu guda jiraa, waxaana illaahay uga baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed ee dhul soomaaliyeed ku heshiisay illaahay u barakeeyo maamulkooda iyo Ehlu amriga ay halkaas ay ku dooran doonaan illaahay uu ka dhigo mid ku dadaala cadaalada isuna keena ummadda deegaanadaas ku wada nool.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State