Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faallo:Beesha Caalamka ha ka fiirsato taageerada halka dhinac ee Muqdisho.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Waxaa shaki ku jirin in Soomaaliya magac ahaan loo dhisay Maamul Dowladeed oo leh Dastuur Federaal ku saleysan, balse weli ma helin Dadka Soomaaliyeed Madax Qaran ooku fekeraya guud ahaan sidii la isugu heyn lahaa Dal Bur bur ka soo kabanaya oo dadkiisu is dilayey 22 sanno.

Madaxweynaha hadda Talada haya Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh wuxuu si cad u aaminsan yahay in awooda sharci gacantiisa ku jirto oo uu siduu doono ugu dhaqmo hanaanka dowladeedna waa uu ka balaaran yahay wax masuul dusha saarta, waxaa jira hay’addo awooda u qeybsan, waxana weeye Hay’adda sharci dejinta, Hay’adda Garsoorka iyo Golaha Xukuumada. Sadexdaas hay’adood oo ah kuwo iskaabaya ayuu Madaxweynuhu u yahay ilaaliye ama duq isku haya, balse waxaa hadda mooda in waxaas oo dhan inta ka talaabsaday uu ku mashquulsan yahay hanaan qabiil iyo sidii gobolada dalka qaar ka mid ah is hor taagi lahaa si aanay maamul u sameysan isagoo kaashanaya koox la qabiil ah oo Caasimadda Muqdisho degan.

Waxaa hadda soo baxaya diidmo badan oo ka imanaysa deegaanada Soomaaliyeed oo dhan dadka ku dhaqan ee deggan, kuwaas oo ka biyo diidsan Siyaasadda qaawan ee qabyaalada ku saleysan ee uu ku dhaqmayo Madaxweyne Xasan sheekh, taasoo ku saleysan Siyaasad hal dhinac ah oo weliba u daneynaysa Beeshiisa Muqdisho xooga ku haysata Caasimada Dalka Soomaaliya.

Deegaanada Jubbaland dadka ku dhaqan ayaa goor hore diiday sida uu uga soo horjeedo maamul u sameynta deegaanadaas kuwaas oo waqti , dhaqaale iyo dhiig badan u huray sidii ay uga xoreyn lahayeen xoogagii haystayKismaayo ee al-shabaab, howlahaas xoreynta jubbooyinkana waxay soo socotay muddo shan sanno ku dhowaad ah, maanta waxay joogtaan maamul sameynta deegaanadaas, taasoo madaxweyne Xasan sheekh isku dayeyo inuu hor istaago oo diido in laga sameeyo halkaas Maamul ku dhisan habka Federaalka ah ee uu dhigayo dastuurka Soomaaliya.

Deegaanada Puntland oo ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Dowladda Federaalka Soomaaliya booqasho uu ku yimi Madaxweyne Xasan sheekh si cad ayuu ugu gacan seyray in talo wadaag ka noqdaan arrimaha deeqaha Caalamka, shirarka aayaha Soomaaliya looga tashanayo iyo in ay mid ka noqdaan sidii loo caawin lahaa meelaha maamulada dhisanaya, taasoo dhamaan uu diiday Madaxweyne xasan sheekh, waxa ayna dhalisay in Puntland iyo Federaalka xiriirkii waanagsanaa ee ka dhexeeyey xumaado, tani waxa ay sii xoojinaysaa khilaafka gudaha Soomaaliya ka taagan.

Deegaanada Soomaaliland oo markii hore sheeganayey in ay yihiin Dowlad gooni u taagan ayaa la qorsheynayey in lawada hadalsiiyo Soomaaliya oo la isku soo dhaweeyo taasoo la orankaro si jilicsan oo debecsan ayuu u maareeyey madaxweyne Xasan sheekh kolkii hore markii la isugu tegay shirka Turkiga, taasina waxay abuurtay sii fogaanshaha Maamulka Somaliland, sababaha ugu waa weyna waa siyaasad xumadda Madaxweynaha Soomaaliya oo aan aheyn siyaasi u bisil u dhabar adeegida wada xaajoodka Soomaalida dhexdeeda ah.

Deegaanada Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose waxaa ka soo yeeraya guux iyo qeylo dhaan ka dhan ah Madaxda Federaalka habka iyo hanaanka ay ku qeybinayaan awood qeybsiga xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo dhawaan warbaahinta gudaha waraysiyo ay siiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas aan kor ku soo sheegnay matelaya ayaa sheegay iyagoo ka cabanaya Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud sida uu u magacaabay Agaasimaha Nabadsugida iyo Taliyayaasha Ciidamada oo aanu ku saleyn habkii awood qeybsiga Beelaha waa sida ay ku doodayaan Xildhibaanada Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose ka soo jeeda, waaxana weli ka jira deegaanadaas maamul xumo iyo nidaam aanay soo dooran shacabkooda waa gobolada bay, bakool iyo shabeeladda hoose.

Dhamaan arrimaha aan ku soo xusay kor waxa ay ku tusayaan in weli uu jiro kala fogaansho gudaha Soomaaliya dhexdooda ah oo sabab ay u yihiin Madaxda sare ee Federaalka Soomaaliya oo aan aheyn kuwo u qalma in ay isku wadaan iskuna hayaan dhamaan deegaanada gudaha dalka Sooamaliya, waxayna u muuqdaan kuwo hal dhinac Siyaasadooda ku foorarto muqdisho iyo nawaaxigeda oo kaliya.

Hadadaba, waxaa kula talin lahaa Beesha Caalamka, wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Hay’adaha deeqda bixiya ee taageera Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah ee Bariga Africa in ay ka fiirsadaan taageero loo fidiyo hal dhinac oo xukunkiisa iyo Maamulkii Dowladnimo ee loo doortay ku soo ururiyey Magaalada Muqdisho oo kaliya, kana horyimadeen dhamaan deegaanada kale ee Soomaaliya, taasoo sii xumeynaysa Rajada Dowladeed ee Soomaaliya habka iyo hanaanka Siyaasadeed ee uu ku dhaqmayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kala qeybin iyo colaad qabiil ka dhex abuuraya deegaanad Dalka iyo Qabiilooyinka Soomaaliya.

Beesha Caalamka waa in ay fahamtaa xaalada dhabta ah ee uu maanta ku sugan yahay Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana ugu baaqi lahaa shirka london ka furmay in daak soo qeybgalayaa aanay fududeysan Siyaasadda Gudaha Dalka Soomaaliya ka jirta oo aanay taageero siin dhinac kaliya,waana in ay tixgeliyaan oo la socdaan rabitaanka inta badan shacabka Soomaaliyeed.

FG: Qoraalkan waxaa na soo gaarsiiyey qoraaga magaciisu hoos ku qoran yahay,Puntlandpost-na masuuliyad kama saarna fikrada qoraaga.

Bille Maxamuud Qabowsade

Bosaaso, Puntland, Somalia

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>