Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib Safar uu dalka dibaddiisa ugu Maqnaa

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta 21-March-2016 dalka dib ugu soo laabtay siweyna loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Soodhoweyenta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne kuxigeena Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, kuxigeenkiisa labaad, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, urarada haweenka, saraakiisha ciidamada iyo bulshada qaaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana uu kawar bixiyey safarkiisii shaqo ee uu ugu maqnaa dalka dibadda iyo duullaankii ay kooxaha shar wadayaasha alshabaab kusoo qaadeen goobo  kamid ah deegaan xeebeedyada cariga Puntland.

Ugu horrayn, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa soo jeediyey kelmedo soodhoweyn ah waxaana uu Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladdii ugu dambeysey ee dalka iyo sidii ciidamada aan gabbashada aqoon ee Puntland ay cagta umariyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa kusoo duuleey Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland meelkastoo ay joogaan uga mahadceliyey  midnimadii iyo isku duubnidii ay u muujiyey cadowgii kusoo duuley dalkooda iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagnaayeen ciidamadooda geesi-yaasha ah ee difaacayey Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan, midnimadii ay muujiyeen, wadajirkii ay muujiyeen, si’ay meel ugaga soo wadajeestaan cadowgaa kusoo duuley dhulkoodii iyo diintoodii.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa iyaguna ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee u istaagey in ay difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda cadowgoodana cashar lama illaawaan ah siiyeen, ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu jannadii kawaraabiyo intii shihiidey iyagoo dalkooda difaacaya, inta dhaawaca ahna in ilaahay u booga dhayo.

Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa haweenka reer Puntland ee Sabaayadda dubayey, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhallinyarada reer Puntland ee dhiiggooda shubayey, waxaan aad u bogaadinayaa odayaasha reer Puntland ee marwalba dhiirri gelinta iyo hanuuninta lagarab taagna ciidankoodaayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay Mid keliya iskagana filan tahay sharwadayaasha shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay wax u dhinto xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland isla markaana aanay u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka hawl gala Puntland.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu u sheegay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaaybteeda wax kasta oo lagu bixinayo magaca Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgeliyada Soomaaliya.

Waxan rabaa Beesha caalamka inaan u sheego inay Puntland xaq uleedahay inay hesho qaybteeda wixii Soomaaliya loogu talo galay oo ahaa dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo magaca Soomaaliya, taas oo laagu tala galay nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahaceliyey guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu kulamada kula soo qaatay Qaaradda Ameerika sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay inay kaqayb qaataan difaaca Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Halkaan kadhegeyso Codka Madaxweynaha

Halkaan kadhegeyso Codka Maxweyne kuxigeenka

DSC_2577 DSC_2586 DSC_2588 DSC_2593 DSC_2598 DSC_2599 DSC_2603 DSC_2609 DSC_2611 DSC_2622 DSC_2627 DSC_2629 DSC_2641 DSC_2660 DSC_2667 DSC_2669 DSC_2671 DSC_2672 DSC_2678 DSC_2681 DSC_2683 DSC_2685 DSC_2687 DSC_2697 DSC_2705 DSC_2707 DSC_2709 DSC_2716 DSC_2753 DSC_2764 DSC_2765

 

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib Safar uu dalka dibaddiisa ugu Maqnaa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>