Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaal ka socda Duleedka Deegaanka Garacad iyo Maxaabiis horleh oo laqabtay

$
0
0

Garacad-(Puntland Post) wararka naga soo gaaraya Duleedka Deegaanka Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  dagaal u dhaxeeya  ciidamada Dowlada Puntland iyo maleeshiya   ka tirsan Al Shabaab uu ka socdo deegaan ku yaal duleedka Garacad.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowlada Puntland ay weerar xoogan ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Ururka Shabaab oo ku sugnaa duleedka Garacad.

Guutada labaad ee ciidamadaDowlada  Puntland ayaa dagaalka qaaday, waxaana hada socda dagaal kulul oo  lagu sifaynayo argagixisada al-shabaab.

Ciidanka difaaca dowlada Puntland ayaa waxaa ay nolosha ku qabteen qaar kamida dagaal yahanadii Malayshiyada Al shabab ee ka dagaalamayay aaga deegaanka garacad  in kas too aan tiradoo saxda ah lasheegin , waxaana Ciidamada ay wali baacsanayaan firxadka malayshiyadaas.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Dowlada  Puntland ayaa ku sugan Deegaanka Garacad halkaasi oo ay ka nashqadeynayaan dagaalka socda.

Saraakiil ka tirsan Dowlada  Puntland  oo lahadlaayay Puntland Post ayaa sheegay in qorshaha uu yahay inay gacanta ku soo dhigaan Shabaabka ku sugan aaga Garacad ama ay laayaan.

ugus1ugus3ugus 4ugus 2

The post Dagaal ka socda Duleedka Deegaanka Garacad iyo Maxaabiis horleh oo laqabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>