Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dawladda Puntland oo soo bandhigtay Qasaarihii kadhashay dagaalladii shalay ka dhacay Toogga Suuj ee Garmaal ee Gobolka Nugaal iyo Deegaanka Dabakaran ee Gobolka Mudug.

$
0
0

Dawladda Puntland oo soo bandhigtay Qasaarihii kadhashay dagaalladii shalay ka dhacay Toogga Suuj ee Gobolka Nugaal iyo Deegaanka Dabakaran ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Dawaladda Puntland ee dagaalka adag kula jirtey kooxaha sharwadayaasha al-shabaab ee kusoo duuley Puntland kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa soo afjarmay maalinimadii shalay 20-March-2016-ka kooxdii Alshabaab ee degaankaasi soo gaadhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65, dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada xaq kudirirka ah ee Dawladda Puntland iyo kooxaha burcad diimeedka alshabaab ee kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kooxaha sharwadayaasha ah  ee shabaab waxa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga bakhtiyey 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ciidamada qalabka sida ee aan gabbashada aqoon ee Puntland waxaa uga shahiidey 2 askari halka dhaawacuna uu ahaa 8 Askari, dagaalkaasi weli ma uusan dhammaan saaka 21-March-2016-ka ayuu dib u bilawday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashayna waxa lasoo xaqiijindoona marka dagaalka lasoo afmeero.

Wadarta  guud ee qasaarihii iyo Jabkii soo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab ee ka dagaallamayey deedaanada Suuj ee Garmaal iyo Dabakaran ee Garacad ayaa shalay oo keliya waxa uu gaadheya 100 dhimasho ah, 33 maxaabiis ah iyo 14 dhaawac nolol lagu qabtay ah, taasoo u dhiganta 147 qasaare nafeed ah iyo saanad millateri oo aad u tiro badan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_2576 IMG_2577 IMG_2636 IMG_2637 IMG_2638 IMG_2639 IMG_2640 IMG_2641 IMG_2642 IMG_2643 IMG_2644 IMG_2645 IMG_2646 IMG_2647 IMG_2648 IMG_2649 IMG_2650 IMG_2651 IMG_2652 IMG_2653 IMG_2654 IMG_2659 IMG_2660 IMG_2661 IMG_2662 IMG_2663 IMG_2664 IMG_2665 IMG_2666 IMG_2667 IMG_2668 IMG_2669 IMG_2670 IMG_2671 IMG_2673 IMG_2674 IMG_2675 IMG_2676 IMG_2677 IMG_2678 IMG_2679 IMG_2680 IMG_2683 IMG_2684 IMG_2685 IMG_2686 IMG_2687 IMG_2688 IMG_2689 IMG_2690 IMG_2691 IMG_2692 IMG_2693 IMG_2694 IMG_2697 IMG_2698 IMG_2701 IMG_2702 IMG_2703 IMG_2704 IMG_2706 IMG_2707 IMG_2708 IMG_2712 IMG_2713 IMG_2714 IMG_2715 IMG_2716 IMG_2718 IMG_2719 IMG_2720 IMG_2721 IMG_2722 IMG_6432 IMG_6438 IMG_6442 IMG_2635 IMG_2634 IMG_2633 IMG_2632 IMG_2631 IMG_2630 IMG_2626 IMG_2625 IMG_2624 IMG_2623 IMG_2622 IMG_2621 IMG_2620 IMG_2619 IMG_2615 IMG_2614 IMG_2613 IMG_2612 IMG_2611 IMG_2610 IMG_2609 IMG_2608 IMG_2607 IMG_2606 IMG_2605 IMG_2604 IMG_2603 IMG_2596 IMG_2595 IMG_2594 IMG_2593 IMG_2592 IMG_2591 IMG_2588 IMG_2587 IMG_2586 IMG_2585 IMG_2584 IMG_2578

The post Dawladda Puntland oo soo bandhigtay Qasaarihii kadhashay dagaalladii shalay ka dhacay Toogga Suuj ee Garmaal ee Gobolka Nugaal iyo Deegaanka Dabakaran ee Gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles