Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro: 35 Maxbuus oo Alshabaab ah oo Caaw lagu wareejiyey Xabsiga weyn ee Garoowe

$
0
0

Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu soo qab-qabtay dagaalkii kadhacay Togga Suuj ee Deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal oo lakeenay xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii shalay 20-March-2016- kadhacay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa Caawa fiidkii lagu soo wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa  waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_2725 IMG_2728 IMG_2729 IMG_2730 IMG_2731 IMG_2732 IMG_2733 IMG_2734 IMG_2745 IMG_2746 IMG_2747 IMG_2748 IMG_2749 IMG_2750 IMG_2751

The post Warbixin+Sawirro: 35 Maxbuus oo Alshabaab ah oo Caaw lagu wareejiyey Xabsiga weyn ee Garoowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>