Stockholm-(Puntlandpost) Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa waxay kulan kula qaateen Magaalada Stockholm Xubno ka tirsan Baarlamaanka Sweden Waxaanu kulankaas uu dhex maray xildhibanada Sweden iyo Madaxada ka socatay Puntland oo uu Hogaaminayey La Taliayaha Madaxweyanaha Puntland Arimaha Bulshada Rayadaka iyo Dimoqraadiyada Eng Abdirssaq Sheekh aduun oo beryahan Dadaalo dhaqaalo loogu raadinaayo Dimoqraadiyada ka waday Qaarada Yurub waxana Ku wehliyey Shirkaas masuuliyiinta kala ah,
Xildhibaan Said Abdi Samatar (Surcad)
Siyaasi Abdirisak Hussein
Siyaasi Said Qaas.
Oo ka socday dhanka Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan xisbiga talada Dalka Sweden haya Socialdemokraterna, Xubnahaan ayaa kala ahaa
Sara Karlsson iyo Hans Ekström.
Kulan kaas ayaa ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Dalka Sweden xubnahaan ka tiraan baarlamaanka isla markaana ka tirsan xisbiga talada haya Socialdemokraterna, Sara Karlsson iyo Hans ekström iyo Xubnaha matalayay Dowlladda Puntland waxaa ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid tahay Nidaamka Axsaabta badan ee Puntland la filayo in dhawaan laga hirgaliyo iyo dhanka Hormarinta Arimaha Bulshada.
Xubnaha Puntland ayaa sheegay in nadaamka qabiilka ee Puntland muddo ku soo dhisnayd ay hada diyaar u tahay in ay ka gudubto ayna u gudubto Habka Xisbiyadda taas oo howsheedu in mudaba ah socotay hadana meel fiican maraya.
Sidoo kalena ay Puntland ka shaqaynayso in Soomaaliya Guud ahaan laga Gudbo habka qabaliga ee 4.5 loona gudbo hab deegaan si loo gaaro Dowladnimo rasmi ah oo ka hirgasha giygiga Soomaaliya.
Sidoo kale Xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa sheegay in ay Xiriir wanaagsan la leeyahiin Dowladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayna markasta Garab taagan yahiin Hormarinta Arimaha Bulshada sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.
PUNTLAND POST
The post Shir dhex Maray Madax ka socota Puntland iyo Dawlada Sweden appeared first on Puntland Post.