Buulo Burde: (pp)- Mid ka mid ah saraakiisha horjoogayaasha Kooxda Alshabab ayaa caawa khudbad uu ka jeediyey masjid ku yaal Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayuu ku sheegey in kooxo taageersan hogaamiyaha Alshabab Axmed Cabdi Godane ay dileen Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Fu,aad Shongole oo ka mid ah Madaxda Alshabab ayaa waxa uu sheegey inuu ku dhintey Al Amriki iska hor,imaad dhex marey kooxo kala taageersan Godane iyo Al Amriiki sidoo kalena ay jiraan kooxo maleyshiyo oo ku dhintey dhacdaasi..
Fu,aad Shongole waxa uu intaas ku darey in uu Al Amriki dhawaan ka badbaadey weerar ay soo abaabuleen kooxo ka tirsan Ururka Alshabab oo ka amar qaadanayey Axmed Godane, Isagoona si weyn Shongole uga soo horjeestey fikrada Godane oo ku tilmaamey inuu soo abaabuley kooxo Murtadiin ah oo diley Abuu mansuur Al Amriiki.
Dhawaan ayay ahayd markii Al Amriiki bogga Twiter-ka ee Internetka ku faafiyey sawiro muujinayey inay dhaawacyo kasoo gaareen isku day lagu doonayey in lagu dilo, kaas oo uu ku eedeyey inuu soo abaabuley hogaamiyaha Kooxda Alshabab Godane.
Sidoo kale Waraaq dhawaan ay u direen hogaamiyaha Al-qaacida Ayman Al dawaahiri saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Alshabab, kana mid yahay Ibraahim Afqaan ayaa lagu sheegey in ururka Alshabab ka dhex jirto kala danbeyn la,aan ba,an.
Marka laga tago warka uu caawa sheegey Fu,aad Shongole oo ka mid ah Madaxda Alshabab ma jiraan ilo kale oo madax banaan oo xaqiijinaya dilka Abuu Mansuur Al Amriiki, iyadoona dhowr mar oo horre ay beenowday warar lagu sheegey in la diley Al Amriiki.
Al amrikii waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Alshabab ee Dowlada Maraykanku dul dhigtey inay ku bixineyso lacag dhan 5 milyan oo dollar oo la siinayo cidii soo sheegta.
Puntlandpost.com
buulo burde.